Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Somaliland Waxay Yaayuusaan-ba Oo Maanta Dagaal Ku Soo Qaaday Buuhoodle Iyo Duubabka SSC Oo ......

Sunday - January 15, 2012

Buhoodle - Wararka ka imanaya degmada Buhoodle, ayaa sheegayaa in cutub ka tirsan ciidanka Somaliland oo uu hogaanimayo sarkaal ciidankaas la yiraahdo Ibraahim Caydiid Dhab-dhab in ay si kadis ah gudaha u galeen Magaaladaas oo ilaa hadda dagaalo kharaar ay dhexmarayaan ciidamada Somaliland iyo shacabka SSC.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Somaliland ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta Magaaladaas, laakiin ay markii dambe kaga baxaan iska caabin uga timid shacabkii halkaas deganaa

Waxaa warku intaa ku daraya in Qax ballaaran u ka bilaabamay Magaalada Buhoodle,iyada oo boqolaal qoys la sheegaayo iney afka saareen dhanka dhulka ku jira gudaha dalka dariska ah ee Ethiopia, gaar ahaan deegaanka la yiraahdo Laandheer.

Dhinaca kale waxaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen guud ahaan Isimadda  Deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ku Iclaamiyeen in la galo diyaar garoow Dagaal Muqadas ah, kaasoo lagaga hortagayo duullaanka beesha Isaaq.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo shirkaas jaraaiid ka hadlay waxay sheegeen in dagaalka maanta lagu soo qaaday  Buuhoodle uu yahay dagaal iyo duulaan fitin gardaro ah sidaa daraadeedna ay ku baaqeen in la shahiido oo wiil iyo gabar meelkasta ay joogaanba loo diyaar garoobo dagaal jihaad ah