Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

SSC Iyo ONLF Dhinaca Ah Iyo Somaliland Oo Ku Wada Hardamaya Adisababa

Sunday - January 15, 2012

Adisababa :Wararka la xaqiijinaayo oo ka iimaanaya magaalada Adisababa ayaa sheegaya in dagaal xaga dipolomaasiyeed u ka socdo kadib markii wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo odayaal dhaqameed reer isaaq ahi si dhuumasho ku mareen xaga biriga ah ay ku gaareen magalada Adisababa si ay ula kulmaan xukumada Melws Zenawi oo uga dhaadhiciyaan jawiga shirka taleex ka socda iyo sida ay khatari halkaas uga imaan-karto maamulka dawlada Zanaawi.

Isla markaa magaalada Adisababa waxaa iyadana ku sugan wafdi balaaran oo is garabsanaya oo ka kooban kooxo SSC iyo ONLF oo heshiis iyo gacansaar la ah dawlada Meles Zanawi oo ay weheliyaan saraakiil kilinka 5aad oo kulamo la leh maalmahaanba dawlada dhexe ee itoobiya kuwaaso dawlada dhexe culeys ku saaraya sidi ay uga dhaadhicin-lahaayeen in maamulka ka unkamay degaanada SSC uusan marna khatar ku ahayn dawlada itoobiya, loona baahanyahay in dawladu itoobiya ay iskaashi la sameysato maamulkaas cusub

ila hadda lama garan-karo in dagaalka ka socda degaanka SSC sida ay itoobiyaanka cadaadis ugu dul saari-lahayd dhinaca Somaliland oo u ooman in heshiis kama dambeyna la gasho ONLF-ta ..haddi ay itoobiyaanka dhabarka ujeediso maamulka Somaaliland,waxaa hubaal ah in Somaliland gali-doonto go'doon taariikhiya oo dhinac walba taabaneysa.balse waxaa la odorosaya inaan la garan-karin waxa ka soo bixi-kara dawlada itoobiya oo wajiyada badan ku shaqeysa.