Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Magaca Cusub Ee Loogu Wan-qalay Maamul Goboleed Shirka Taleex Loo Fadhiyey

Monday - January 16, 2012

Taleex: Maanta ayaa lagu dhawaaqay magac bixintii maamul goboleedka ay yeelanayso beelaha deegaanada SSC, waxaana laysla qaatay (Maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia). 

Injineer Maxamed Xasan Xaaji ayaa ka sheekeeyey doodihii uu soo maray magac bixinta maamul goboleedka Khaatumo State of somalia, kuwaasi oo ka koobnaa ilaa 23 magac, oo marba qaarkood ay doodaha ku hadhayeen, gunaanadkii waxaa laysla qaatay Khaatumo State Of Somalia, kaasi ayaana loogu wan qalay,

Wixii Faafaahin ah oo shiirkaas ka soo baxayna iyado dhan ayaa galabta shiir jaraaid lagu sheegi-doonaa.