Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Qaab Dhismeedka Dawlada Khaatumo Ee SSC Yeelan-doonto

Monday - January 16, 2012

Waxaa si xikmadeysan oo ku dhisan cilmi iyo waayo-aragnimo, ka fog jahli aqoondaro ayaa lagu so dhisay maamul ka kooban afar qaybood oo kala duwan sidaana ah:

1- Golaha Dhaqanka: Madax-dhaqmeedka SSC ayaa waxay yeelan-doonaan doorkooda dhaqan iyo gudoomineed oo aan cidna ku faragali-karin.

2- Kooxda G9: Qaybtaani waxay ka koobnaan-doonta lixdii Oday ee aqoon-yahanka ahaa iyo Sadex kale oo lagu daray, kuwaaso ayaguna la shaqeyn-doona maamulka cusub siiba arimaha dibeda iyo dhaqaalaha misaaniyada kala talin-doona.

3- Golaha Fulinta: Waxay ka koobnaan-doonaan Madaxweyne iyo labo ku-xigeen kuwaaso mid kasta xilka hayn-doona 6 bilood isuku dar sanad iyo bar inta u doono axdiga KMG, waxayna isugu wareejin-doonaan mudadaas KMG Ah.wax kastana way ka wada tashan-doonaan .

4- Gole wasiiro: oo ka koobnaan-doona xubno ayaa raaci-doona, kuwaasoo ayagana lagu soo xuli-doono aqoon, karti iyo fir-fircoonidooda.

5- Golaha Wakiilada: golahaani waa kuwa paarlamaanka oo tiradoodu wey koobnaan-doonta waana sharci dajinta iyo waliba misaaniyada anshaxinta oo ah shaqooyinka paarlamaanka ee caadiga ah.

Dhawaan waxaa la sameyn-doonaa axdi KMG ah oo kala hagaya awoodahaan iyo waliba arimaha shaqooyinka, sido kale waxaa jira hay'ado ka wada madax banaan, kuwaaso ah golaha garsoorka ee maxkamadaha ayagu waxay noqonayaan kuwa shaqadoodu u madax banaan oo u weheliyo xeer- ilaaliyaha guud iyo hanti dhawrka maamulka ee guud.

Sida la sheegaayo waxaa hadda ka soconaya qaybaha kala gedisan SSC dabaal degyo lagu soo dhaweynaayo maamulka cusub ee dawlada SSC Khaatumo State Somaaliya