Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Puntland Oo Ka Hadashay Dagaalka Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Ceyn

Tuesday - January 17, 2012

Garoowe:-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee dowllada Puntland ayaa markii ugu horaysay waxaa looga hadlay ama eedeyn loogu jeediyey maamulka Somaliland oo lagu eedeeyey in dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoolde bishaan 15 -keedii ay iyagu lahaayeen weerarka.

War-saxaafedka oo ku qornaa Af-ingiriiska ayaa waxaa ay dowllada Puntlland ku xuseen in dagaalkii ka dhacay degmada Buuhoodle ay ku dhaawacmeen dad rayid ah ayna ku burbureen hanti ay lahaayeeen dad shacab ah.

Dowllada Puntlland ayaa sheegtay in ay iyagu taageersan yihiin midnimada dalka Soomaaliya ayna ka soo horjeedaan in dalka Soomaaliya uu kala go'o waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wixii khilaaf ah oo yimaado lagu dhameeyo wada hadal arrintaas oo ay yiraahdeen in dowllada Somaliland ay ka soo horjeedo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa ugu danbeyntii waxaa tacsi loogu diray dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay hantidoodana ay ku burburtay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, ma ah markii ugu horaysay oo dowllada Puntlland iyo madaxdeedu ay war-saxaafadeed ka soo saaraan dagaal ka dhacay Buuhoodle ama laascaanood ayna eeda dusha u saaraan dowllada Somaliland.