Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Faafaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Dagaalki Buuhoodle

Thursday - January 26, 2012

Buuhoodle: Wararka laga soo xiganaayo frontada Buuhoodle ayaa tilmaamaya in mid ka mida golaha madaxtooyada Khaatumo State ay dagaalki saaka ka dhacay aaga Buuhodle ku dhaawcmeen xili ay halkaas ku sugnaayeen oo ay soo weerareen askarta Somaliland.

Madaxweyne Maxamed Yuusuf Indhashiil oo ka mida ah madaxdi dhawaan lagu caleemo saaray madashi Taleex ayaa la sheegay in rasaas wiifeysa ka haleeshay madaxa hasa ahaate sida la xusayo ma aha mid halis ku ah noloshiisa, waxaana intaa warku raacinaya in beesha dhulbahante ay ka dhimatay 28 Qof iyo dhaawaca oo gaaray illa 20, halka beesha Isaaq la yiri waxaa ka dhintay 32 askari iyo dhaawaca sodomeeyo ah iyado nolol looga qabtay 19 askari isla markaana laga qabsaday gaari weyn oo taakuleyn saad u waday askarta iyo hal gaari oo nooca Zuuga ah oo isna laga gubay.

Waxaa warku intaa si raaciyey in madaxweyne Axmed Karaash oo ciidamo maleeshiyo wata u si xeeleysan weerar dhabar jabin ku sameeyey ciidamadi S/land oo dabadeedna firxadkoodi ay ku qabteen sarkaal sare oo aan magaciisa la xusin .. waxaa illa iminka wararka halkaas laga soo xiganaayo ay sheegayaan in maleeshiyoo-yinka labada dhinac isu hub aruursanayaan waxaana la filayaa in aroornimada saakay la isku dharbaaxo dagaalo ka culus kan maanta dhacay.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in wasiiradda arrimaha dibadda iyo kan gudaha Somaliland ay safar deg dega ugu baxeen Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa iyadoo la carbaabayo in socdaalkoodu la xariiro sidi ay dowladda Ethiopia u joojin-lahayd gacanta ay siiso Khaatuma State iyo Awdal State, iyo siiba kilinka 5aad oo maalmaha dhaw lagu wado inu ka soo dago garoonka Jig Jiga M/xweynaha Awdal State Mr. Rashiid Aw Nuur Xirsi