Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Go'aanada Shirka London Oo La Sii Ogaaday By Prof. Yaxye Sh. Caamir

Saturday - January 28, 2012

Waxaa in mudda ah la hadal hayay shir ka dhici doona magaalada London oo looga hadli doono arrimaha soomaaliya, sida la ogyahay marna dowlada ingriisku ma muujin siyaasad ka hor imaaneeysa midnimadda soomaalida lamana safan mid ka mid ah dhinacyada soomaalida ee iska soo horjeeday.

Hadaba waxaa isweeydiin leh shirkaa maxaa ka soo bixi doona? Yaa ka ah danleey? Waa maxaay caqabadaha suuragalka ah? Maxaa sababay in shirka inta aan la qaban go’aanadii ka soo bixi lahaa la sii diyaariyo, ka qeeyb galayaashuna iska aqbalaan? Maxeey yihiin 4 bog go’aanada ku qoran? .

Shirkan aad ayaa loo hadal hayay dowlada ingriiska oo markii hore daneeyneeysay lafteedu waa ka niyad jabtay, dhowr jeer ayeey dib u dhigtay, markii arrinta eey faragaliyeen dhinacya badan.
waxaa ugu horeeya xafiiska UNPOS oo asagu sheegta in uu masuul ka yahay siyaasada soomaalida,TFG duna eey isaga uga dambeeyso, asaguna uu soo gudbiyo magacyada shaqsiyaadka iyo kooxaha ka qeeyb galayo, si eeyna shirka uga soo bixin wax ka horimaanayo qorshaha siyaasadeed ee UNPOS dalka ku hogaamiso.

Dowlado eey ka mid yihiin Masaarida iyo Talyaaniga oo aan ogoleeyn in xal eeyna iyagu garwadeen ka aheeyn soomaaliya laga gaarin, ayaa ku shiray magaaladda Qaahira oo go’aan fashili kara kan landon lagu gaaray,si loo hirgaliyana la go’aamiyay in raiisul wasaaraha dowlada soomalida ROMA looga yeero .Labadaa culeeys iyo kuwa kale ayaa hami jabiyay dowlado iyo ururo badan oo markii hore shirka daneeynayay.

Go’aanada shirka oo eeyna ii suura galeeyn in aan halkan ku wada tarjumo,waxa eey yihiin 4 bog waana sidan, haddii aan mustaqbalka wax laga bedelin ama lagu kordhin.

A) Financial & asset management in Somalia:

inta badan qeeybtan waxaa diyaarsaday dad shaqa doon ah oo Somali iyo ajnabi isagu jira kuwaa oo doonaya in miisaaniyad eey u helaan xafiis cusub oo UNPOS hoos taga .qodobka 2aad ee boggan waxaa looga hadlayaa guddi ka kooban TFG iyo deeq bixiyayal. Waxaase la isweeydiiyay dhowr su’aal oo bog kasta ku qoran.Joint TFG-Donor financial management Board. Waxa la yaab leh guddigan oo heer qoran iyo caalami isagu jira haddana shaqadiisu in eey tahay mid gobal, oo culeeyska saarayo dekada iyo Airporka xamar kuwa kalena leh shaqa kuma lihin. Waxa eey isweeydiiyeen su’aalahan, sidan u qoran.How this be achieved? How likely is success? How long it will take? Waxaa lagu jawaabay QUICKLY. Isla bugan qeeybta 3aad waxaa la isweeydiiyay: What do we want the London conference to achieve? ( WE, waa kuwama ?) WE, waxa eey ku koobeen jawaabta dhaqaale, maamul heshiis lagu yahay. kadib waxaa ku qoran su’aala kale: What do we want London conference to announce? WE mar kale waxeey isweeydiiyeen shirka maxaan ka sheegeeynaa? Ma dhahnaa qofkii ka horyimaada......., sida kii kampala, isma hubno, aan dhahno wada shaqeeyn TFG iyo deeqbixiyayaasha. Waxaa kale oo ku qoran. What we need to be done to secure agreement at conference? Inta aan shirku dhicin aan isla meel dhigno xubnaha gudiga, aana sharci cuskino iyo sida soomaalidu wax u qeeybsato haloo qeeybiyo, ma waxeey uga jeedaan 4.5 ma oggi, qoraalkana kuma cadda, waase koox iswadata si kastaba wax ha ku qeeybsadaane.

B) Main messages and initial conclutions:

Waxaa lagu bilaabay qeeybtan: It is clear that August,2012 is a key dead line .markaa waa in loo yeero dhinacyada maqan. Hayadaha doowliga ah ee hadda jira halaga bedelo nooca eey yihiin, hana la helo wax u eg baarlamaan !!!!! maxaa laga wadaa wax u eg....? Hala sameeyo maamul ku meel gaar ah!!!!! Sow tii la lahaa Augusto waxaa laga baxaa dowlad ku meel gaar ah, kuwani maxeey u daneeynayaan in aan ku sii jirno KMG, Dowlada ingriisku maka ogolaanee? Waxaa kale oo la isku khilaafay sida qoraalka ku cad ,hala adkeeyo sadaxda maamul ee soomaliland, puntiland iyo galmudug salna ha u noqdeen dowlada iyaguna ha horkaceen ,qaar kale ayaa yiri : MAYA dowlada ayaa iyaga sal u noqee. Aaween gobaladii kake?
Waxaa la yiri; waxii shirkan ka soo baxa waxeey ku egyihiin bisha august 2012,dhinaca nabadgalyada, waxaa lagu soo koobay in laga foojignaado xirfadaha cusub ee shabab, in AMISOM dhaqaale loo raadiyo iyo in la taageero howlgalka Kenya.

C) Promoting local stability in Somalia:

Waxaa la yiri: hala helo deegaano isku filan oo laga saacido nabad galyada ,shirar dib u heshiisiin halaga bilaabo gobalada dhexdooda ,hala sharciyeeyo awooda maamulada gobalada (( maxaeey uga jeedaan anagaa qabaneeyna shaqadii barlamaanka hadda is khilaafsan oo waxeey isasiiyeey awoodii sharciyeeynta, .....sidaa wax kuma sharciyeesmaan)))) waxaa lagu daray soomaalida hala baro maamul dowlad wanaag( good governance) .... taa horaa loogu qaraabtay u maleeymaa in lacag looga helayo deeq bixiyayaasha.. timirtii horaa dab loo waayay. ka dibna waxaa la isweeydiiyay su’aalihii hore.. sideen u suura galinaa? Waqtigeey naga qaadee?

D) Somali Political Track

waxaa la soo jeediyay in heshiiskii Jabuuti, Kampala iyo Road mapka loo isticmaalo xal.waxaa la raaciyay in iskaashi ciidan loo abuuro.AMISIM, ciidamada TFG iyo Kenya .waxaa la raaciyay in laga shakisanyahay Road mapka oo dana gaar ah ka muuqdaan, in la isku dayo in Road mapka lagu baabiyo shirka haddii eey suuragal u muuqato iyo in aan wax la kordhin bisha Augusto kadib.

Intaa ayaan ka ogahay shirka ku darso inta aad adiguna ka ogtahay....Shirkii loo hanweeynaa wuxuu noqday ( buuraa foolatay wixii la sugaba cirbad ayeey dhashay).

Halkii noloogu tashanayay ALLAAH waa joogay. wixii ummadda U dan ah ALLA hana waafajiyo.
Waxaad xor u tahay in aad dhaliisho, wax ku darto, beeniso, rumeeyso, wax ka bedesho qormadaan.

Waxaa qoray. prof. yaxya sh. Caamir
E-Mail: [email protected]