Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

"Fiqi Tolki Kama Jano Tago" Waa Maahmaah Khilaafsan Shareecada Islaamka By Maxamed Sh. Aadan

Saturday - January 28, 2012

Maahmaahdani waa mid kamid ah maahmaahyada ay soomaalidu adeegsato, waxayna khilaafsantahay shareecada islaamaka, waayo ninka wadaadka ah ee cilmiga leh cilmigiisana ku dhaqmaya waxaa looga baahanyahay inuu tolkii wixii gar ah ugu gargaaro kuna taageero gardarada iyo ilaaqdana uu ka qabto isagoo fartoomaya xadiiskii nebigeena – naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee- ee ahaa : ( u hiili walaalkaa haduu yahay mid gardaran ama laga gardaranyahay) saxaabi ayaa nabiga weydiiyay: nebi allow waan u hiilinayaa hadii laga gardaranyahay ee hadii uu gardaranyahay see ugu hiiliyaa? Wuxuu yidhi nebigu scw : ( waxaad u diidaysaa dulmiga kaas ayaa hiilkiisa ah) w.w.bukhaari.

Waxaa xadiiskan khilaafay wadaad lagu magacaabo aadan max’ud xirsi (aadan siiro ), oo minbarada masaajidda ee loogu talo galay in khayrka laga sheego waayahan danbe la taagnaa ku been abuurasho uu ku been abuurto Nebiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- , kicin qabiil, ku digashada dadka masaakiinta ah ee abaaruhu ku aafeeyeen koonfurta soomaaliya iyo nusuusta diinta oo u adeegsado hadba sidii uu isagu maankiisa iyo maskaxdiisa ka helo .

Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraaye waxaan is dul taagi doonaa qodobo dhawr ah oo wadaadkaasi ku dhiiqday sharcigana ku garab maray, yadoo ay badan yihiin simbiririxooyinkiisu , badankooduna ay mutaan in maxkamad islaami ah lagu soo taago lana mariyo waxay ganaax iyo tacsiir leedahay:

1. Waa qodobka ugu weyne wuxuu ku been abuurtay suubanow nebigeena- naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – isaga oo guubaabinaya beeshiisa ayaa wuxuu yiri: nebigu cidii kasoo horjeesata waa uu laaluushi jiray, wuxuu siiyay aqrac ibnu xaabis iyo safwaan ibnu umayyah boqol boqol geela dagaalkii xunayn……… waxaa wax laga naxo ah nin diin iyo wadaadnimo sheeganayaa inuu nebiga SCW u tiiriyo wax uusan samayn balse uuba lacnaday ciddii samaysa isagoo weliba qabiilkiisa qiil uga raadinaya been abuurkaa, nebigu- naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu u sheegay goodi adag cidii ku been abuurata wuxuuna yiri : (ruuxii igu been abuurataa naarta booskiisa haka diyaarsado ) W.W.bukhaari iyo muslim, waxaa yaab ku noqotay ummadda soomaaliyeed ee muslimiinta ah hadalka oranaya nebigu SCW laaluush ayuu bixin jiray oo ah hadal ay adeegsadaan kiristanka iyo cilmaaniyiinta (diin laa wayaasha) had iyo jeer dura islaamka ceebana u raadiya , waxaadba moodaa Aadan Siiro inuu ka dheegtay hadalkan oranaya nebiga SCW ayaa laaluush bixiyay maqaal diinta islaamka lagu caayay oo uu qoray kaamil annajaar oo ah nin cilmaaniya diinta islaamkana caaya.

Waxaa is weydiin mudan nebigu SCW ma waxa uu bixiyay laaluush ? iskadaa inuu nebigu SWC laaluush bixiye’e wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha sida ku sugan xadiiska ay warinayaan Abuu daawuud iyo tirmidi, xoolahaa nebigu SCW ragaa siiyay dagaalkii xunayna sharcigu wuxuu u yaqaan: xoolaha mualafatul quluubka (waa xoolo la siiyo dadka islaamay ee wali uusan qalbigooda si wanaagsan ugu raasukhin iimaanku) quraanka iyo sunnuhuna waa ay sheegeen qoladaas, siismadaasna kuma ay tilmaamin laaluush, Aadan siirona waxaa uu minbarada la taaganyahay nebigaa laaluush bixin jiray – alle ha hadeeyee- ninka caynkaas ah ee nebiga SCW inuu ku been abuurto ka xishoon waayay muxuu ka xishoonayaa, waxaase layaab leh dadka muslimka ah ee nebiga SCW hortooda loogu been abuuranayo hadana aan wax ficil ah ka muujin, kuwaana waxaa ka sii daran kana damiir liita kuwa been abuurkaa websaydyada soo gelinaya, waxaa yaab kale iyo fajiciso ah aadan siiro oo aan ka toobad keenin danbigaa iyo jariimadaa weyn ee uu suubanaheena ka galay SCW inta aan ogahay, balse wuxuu caadaystay inuu danbiyo kale maalin walba ku galo dhulka ilaahay meelaha ugu sharfta badan oo ah maasaajidda.

2. Waxaa hadaladiisa sharciga khilaafsan kamid ah hadalkii ku digashada masaakiinta ahaa ee uu ku hadaaqay maalinkii ciida oo u dhignaa sidan: " waxaa la yiri 700,000 kun oo doolar ayaa la gaynayaa Muqdisho ama Koonfur, taasi waa xaaraan cad, Diinta islaamka meel ay kaga taalaa ma jirto" sida ku cad Aadan siiro hadalkiisa oo ah yaan walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed loo gargaarin miyaa sharciga waafaqsan mise sida ay yeeleen dadweynaha soomaaliyeed gudo iyo dibadba ee walaalohooda koonfureed caawiyay? Jawaabtu waa ay cadahay waxaana halkan kaaga muuqanaysa arxan darada Aadn Siiro iyo ku dhaqan la'aanta diinta uu sheeganayo.

Waxaa hadaladiisii kamid ahaa " Xukuumada hada jirtaa Waxay u jan jeenjeertaa Somaliwayn, waxaan leenahay waxaas waa waxaan la dagaalanay ee hala daayo" Aadanow wadaad xumahaagaasoo kale ayaa ummadda islaamka ah hilinka toosan ka leexinaya,waayo waxyaabaha aasaaska u ah diinteena islaamka iyo manhajkii nebigeena SCW iyo salafkiiba waxaa kamid ah muslimiinta oo la mideeyo, adiguna inaad midayso daayoo waxaadba bulshada ku habaysaa tafaraaruq iyo furfur diina aad uga dhigaysaa, waxaadna la taagantahay goobihii khayrka ciddii midnimo soomaaliyeed doonaysa amaba laga uriyo inaad tiraahdo waa waxaan la dagaalanaye ha la daayo, Soomaali in la mideeyo daayoo waxaa laga rabaa qofka muslimka ahi inuu ku fakaro sidii islaamka loo midayn lahaa!! ninkii wuxuu yiri: maanaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, tolow ma Aadan siiraa waalan mise sharcigii nebigeena SCW ayaa sidaa ah? xaqiiqadu waxay tahay inuusan sharcigu sidaa ahayn ee Aadan Siiro waalanyahay oo tol xira la’ yahay ama ma waalee hawadiisa iyo naftiisu waxay jeceshahay ayuu kitaabkii ilaahay ka doortay, ALLE wuxuu ku yiri suurada alqasas : ( yaa ka baadinimo badan ruux raacay hawadiisa -naftiisu waxay jeceshahay- hanuun rabi la aantii) nebiguna SCW wuxuu yiri : ( saddex waxbay halaajiyaan – waxaa saddexdaa kamid ahaa – hawo la raaco ) w.w.dabaraani.
ALLE wuxuu ina farayaa inaynu midawno oo diintiisa ku midawno wuxuuna inooga digayaa tafaraaruq wuxuuna ku yiri suurada aala cimraan (qabsada xariga ilaahay -diintiisa- dhammaantiin hana kala tegina ) Aadan Siirana wuxuu leeyahay ha midoobina, waxaa halkaa kaaga caddaanaysa inuu Aadan Siiro waalanyahay ama uu nin hawadiisa raacay yahay labaduna is ma dhaamaan.

Qodobo kale oo yaguna yaab badan oo Aadan Siiro ku khilaafay shareecada islaamka ayaynu ku faalayn doonaa maqaalada maqaalkan xiga hadii ALLE idmo, ALLEna waxaan weydiisanaynaa inuu xaqa na waafajiyo, xaqana uu nagu dilo naguna soo saaro.

 Qore:Maxamed Sh.Aadan Weli Cabdi Xuseen .. Almadiinah almunawarah .. Saudi Arabia.

[email protected]