Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Madaxda IGAD Oo Hanjabaad Culus U Jeedisay Xildhibaanadi Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan Sakiin

Sunday - January 29, 2012

Kulan madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay iskula garteen in tallaabo adag laga qaado cid walba oo ka hortimaada heshiiskii Kampala, Road Map-ka iyo weliba heshiiskii Garoowe lagu gaaray,sida lagu sheegay warmurtiyeed laga soo saaray gebagabedii shir ay habeen hore ku yeesheen magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Xubnaha kulanka goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo madaxdu ay ugu baaqeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya inay xaliyaan khilaafkooda, isla markaasna ay u hogaansamaan heshiis Kampala wax aan isaga aheyn aan lagu qanci-doonin.

" Waxyaabihii looga hadlay kulanka madaxda IGAD waxaa ka mid ahaa sidii lagu hirgelin lahaa heshiiskii Kampala, Road map-ka iyo heshiiskii Garoowe, cid walba oo isku dayda inay ka hortimaadana tallaabo ku haboon laga qaado" ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur oo shirkaasi ka qeybgalay warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ka soo baxay.

Safiirku waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay sidii ciidamada dowladda KMG, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya iyo AMISOM ay u wadashaqeyn lahaayeen, ayna wadajir ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey "Qodobada kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen ciidamada ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowladda KMG si looga adkaado Al-shabaab".

GoÂ’aanka IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo marba marka ka dambeysa khilaafka u dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kaas oo ka dhashay xil ka qaadii lagu sameeyay afhayeenkii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo doorashadii ka dambeysay ee Madoobe Nuuow Maxamed.