Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Wafdi Ka Socda Khaatumo State Oo Jig Jiga Tagay Iyo Xukumada Silaanyo Oo Saluugtay Hiilka Ismaamulka

Monday - January 30, 2012

Jigjiga – Wafdi ka kooban golaha sare ee odayaasha dhaqanka maamulka Khaatumo state of Somalia, oo ay weheliyaan xubnaha G9 ayaa la sheegay in si diirran loogu soo dhaweeyay caasimada Jigjiga ee ismaamulka Somalida Ethiopia, taaso la yiri waxay ka gurxamo-sisay maamulka hargeysa oo horay uga ashtakootay gurmadka hiilada aan ciiro iskuba qarineyn ee ay ku kaceyso ismaamulka Somaalida.

Wafdiga maamul goboleedka ee dhawaan la baxay Khaatuma State oo maalintii shalay si qorsha ah uga ambabaxay Magaaladda Buhodle, ayaa Ciidamadda Liyuu Booliska oo hubeysan ugu galbiyeen dhinaca Jigjiga, waxana ay safar dhinaca baabuurta ku mareen dhul baaxad weyn oo u dhaxaysa  Jig Jiga iyo Buuhoodle.

Wafdiga Khaatuma State of Somalia nasasho yar kadib waxa ay dabadeed shir la madalay albaabadu u xiran yihiin la yesheen Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Ethiopia Mudane Mohamud Cumar ee magaalada Jiga Jiga, dabadeedna sida u qorsheysan la yiri waxay u gudbidoonaan magaalada Adis Ababa oo ay kula kumi-doonaan masuuliinta fedaraalka dalkaas ugu dambeyntana ay soo gaari-doonaan magaalada mogdisho si ay kulan ula qaataan Shiikh Shariif iyo xukumadiisa, dabadeedna ay halkaas dib ugu noqon-doonaan xarunta Talex oo ay uga qayb gali-doonaan dhaarinta xildhibaanada maamulka cusub ee khaatumo State

Socdaalka Gudigga G9 iyo xubnaha Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo state ayaa ku beegan xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kan Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Somaliland ay la  kulmeen rag ka mida Xukumadda Federalka Ethiopia, waxaana la sheegay in saluugmo ka jirtay wadada hadalki labada dhinac dhex maray ee lagu eegaayey arinta khaatumo State

Sida wararku sheegayaanna waxa baryahan aad u hooseeya xidhiidhka Somaliland iyo Ethopia, gaar ahaan Kililka Shanaad. laakiin inkasto wargesyada ay arinka khilaafka tilmaamayaan hadana dhinacyada Somaliland iyo Ethopia wax war ah arinkaas la carbaabay waxba kama ay sheegin