Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Cutubyo Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Si Kadis Ah Kula Wareegay Xeebta Al-Jaziira Ee Duleedka Mogdishow

Tuesday - January 31, 2012

Mogdisho-Somaliweyn: Dagaal kharaar ayaa waxa uu ka soconaayaa deegaanka lagu magacaabo Jaziira ee ku yaala duleedka Degmada Wadajir, iyadoo dagaalkaasi uu yimid kadib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi ku soo qaadeen weerar ay ku qabsadeen deegaankaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in dagaalka uu hadda u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna wararku sheegayaan in haatan uu yahay dagaalka mid gacmaha la iskula tagay oo si aad ah u socda.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda KMG ah ee dagaalka haatan ku jira, diidayna in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay ka awood sareeyaan shabaabka, islamarkaana ay haatan qaarkood qab qabteen.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM ayaa dagaalkaasi iyadu daawanaysa, islamarkaana aan ku jirin dagaalka, iyadoo Ciidamada Dowladda KMG ah ay dhinac walba isaga yimaadeen dagaalka, hase yeeshee wixii ku soo kordha dagaalkaasi dib ayaan idinla socodsiinaynaa.