Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Gen. Cabdi Qaybdiid Oo Is-Midaamin Lagu Sigay Laakin Madaxi ilaaladiisa Iyo Darawlkiisi Ku Dhinteen

Tuesday - January 31, 2012

Wararka laga helayo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Ayaa kusoo waramaya in goor-dhawayd oo duhurnimadan maanta ah uu ka dhacay Qarax xoog leh oo is-miidaamin ahaa kaasoo qof waxyaabaha qarxa soo xirtay uu isku qarxiyey afaafka hore ee Guriga General Cabdi Xassan Cawaale (Qabdiid) uu ku leeyahay koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugnaa mudooyinkii u danbeeyey, sida la sheegayna qaraxaas Cabdi Qaybdiid waxba kuma noqon hasa ahaate darawalkiisi la oran jiray bacadle Muraadsade ayaa goobtaas ku dhintay sido kale waxaa goobta ku qur baxay madaxi ilaalada Generalka. dhawr kalana ku dhaawacmeen waxaana la sheegay mid ka mida kuwi is qarxiyey in la helay wajigiis oo aan guban waxaana dad goob jooga sheegeen inu ahaa nin ka xamaalan jiray dhinaca xaafada garsoor

Qaraxan ayaa ay wararku sheegayaan in uu fashilmay kadib markii mid ka mid ah ilaalada  jeneraalka uu amray inuu istaago Qofkii rabay inuu isku qarxiyo guriga Cabdi Xassan Cawaale kaasoo markii la istaajiyey isku qarxiyey goobta

General Cabdi Xassan Cawaale (Qaybdiid) ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wuxuuna ka midyahay Siyaasiyiinta ugu caansan deegaanada Koonfurta Mudug isagoona halkaas u joogay dhamaynta Khilaafaad ka dhexeeyey masÂ’uuliyiinta Galmudug.

Jeneraalka ayaa soo noqday Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo mudo sanado ah uu ahaa sidoo kalena wuxuu noqday Wasiirka Macdanta iyo biyaha ee Soomaaliya isagoona ah nin saamayn ku leh deegaanada Galmudug loogana dambeeyo talooyinka iyo arimaha muhiimka ah.

Jeneraalka dhowrjeer ayaa qaraxyo lala eegtay uu ka badbaaday isagoona hada ka hor waxyar uga fakaday bambaanooyin lagu garacay xili uu kusugnaa Koonfurta Gaalkacyo markaasoo uu ka tirsanaa dawlada Soomaaliya.