Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Hooyo Dhashay Wiil Aanu Korkiisa Wax Dhiig Ah Ku Jirin

Wednesday - Feb 1, 2012

London: Xigasho The Sun: sida ay soo warisay jariirada ugu aqriska badan England ee The Sun cunug yar ayaa dhashay isagoo aan jirkiisa wax dhiig ah ku jirin.

Kaioty oo ah hooyo Biritish ah ayaa dhashay wiil aan jirkiisu wax dhiig ah ku jirin kaas oo wadnihiisu uusan shaqeyneyn 25-kii daqiiqo ee ugu horeysay .

Oliver oo ah wiilka dhiig la'aanta dhashay ayey dhaqaatiirtu u fahmeen in uu yahay meyd laakin waxaa uu ahaa ilmo nool waxaana kadib loo galay gurmad dag dag ah sidii lagu bad baadin lahaa .

Sida ay takhaatiirtu sheegeen cunugaan yar ayaa qabay cudur aan horey loo arag waxaana lagu sameeyay qaliin iyadoo ugu dambeyna lagu shubay dhiig .

Hooyada dhashay cunugaan yar ayaa sheegtay in cunugeedu uusan laheyn midabka dabiiciga ah ee dadka ayna ka niyad jabtay nolashiisa lakin ugu dambeyn ay wax kasta is badleen oo ay xaaladu hagaagtay .. ilmahan yar ee dhiig la'aanta dhashay ayaa hada isagoo caafimad qaba la nool hooyadii .. By Cabdulaahi Cismaan Faarax