Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Somaaliya Oo illa Berri Ku Soo Wajahan Kisimaayo

Wednesday - Feb 1, 2012

Kisimaayo: Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo degaanada ku dhow dhow dadkii degenaa ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda kaddib markii degaanadaasi ay hareysay xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamada dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo iskaashanaya oo dhinac ah iyo kuwa xarakada Al-Shabaab.

Dagaaladii shalay ka dhacay degaanka Badhaadhe oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Kismaayo ayaa saameyn ku yeeshay jawiga guud ee degaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo kaddib markii ciidamada huwanta ah ay la wareegeen degaanadaasi.

Afhayeen u hadlay xarakada Raaskambooni ayaa warbaahinta u sheegay inay sii wadayaan istiraatiijiyadooda dagaal oo ay ku baacsanayaan kooxaha ururka Al-Shabaab, isagoona ka gaabsaday inay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo, hase yeeshee sida ay sheegayaan dadka degaanka ciidamada isbaheystay ayaa saakay bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ugu sii siqi lahaayeen magaalada Kismaayo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhinaca ururka Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo istiraatiiji u ah inay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow ku saabsan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada cirka iyo dhulka ah ee ku soo fool leh.

Dadka rayidka ah ee degan magaalada Kismaayo iyo degaanada ku xeeran ayaa muujiyay cabsi iyo welwel ay ka qabaan in dagaaladaasi ay saameyn ku yeeshaan, halka qaarkood ay bilaabeen saakay inay degaanadaasi si KMG ah uga barakacaan guryahooda, hase yeeshee wixii warar ah ee ku soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.