Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Inaa Lilaahi Waa Inaa ilayhi Raajicuun..Dirici Caaqil Cabdule Qoor-dheer O Maanta Duug Lagu Hubsaday

Thursday - Feb 2, 2012

Galdogob: Waxaa saaka oo jimca ah iyo bil mawliid shabakadaan Goldogob Times soo gaaray geeri ku timi allaha u naxariste Caaqil Cabdille Faarax Oo ku magac dheera Cabdulle Qoor-dheer,waxaana la sheegay marxuumka inu mudo ka sheeganaayey xanuun aad u nugleeyey, wax badana caafimaadkiisa iyo daawo lagu reysto lagula tacaalay, hasa ahaate alle waa awooday inu reysto masa yeelin

Alaha u naxariiste Cabdulle Qoor-dheer waxuu ka mid ahaa guurtida xulka ahayd jilba culusta beel weynta, waxuu ahaa buur aan dabeyl ruxi karin halyey diran oo xaquuqda dadka markasta la duubnaada, si fiicana uga muuqdey masraxa siyaasada somaaliya salaadana aan dayicin.

Shabakadaan ayaa si gaara hawada u marineysa tacsiyeynta eheladi iyo qaraabadi iyo sokeeyihi aan isku tirineyney inaan ka mid nahay ee marxuum Caaqil Cabdulle oo maanta duugta lagu hubsaday, waxaan aan u marineynaa duco intaan karno, dibnihiisa taxwiidka midki kara ee aan dariiqi ka lumin iyo dawyada siraadka allaha ka yeelo .. allahana ha ka dhigo mid la siiyey darajada janada doorka ah aamiin aamiin.