Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Siro Culus Oo la Xariira Shirki London

Sunday - Feb 26, 2012

Soo Diyaarshe Tifaftiraha Galdogob Times: Sida u noo sheegay nin isagu miisaan ku leh masraxa siyaasada oo lagala tashaday arimaha shirki london ka dhacay awoodna u yeeshay inu wax badan ka ogaado arimaha xasaasiga ee lala damacsan-yahay Somaaliya ayaa wax nooga iftiimiyey shirkii qaban-qaabadiisu lahayd xukumada ingiriiska ee ay u qabatay Somaalida kaaso ay ka soo qayb galeen dhinacayo kala duwan oo bulshada caalamka ah iyo somaaliba

Sheekada Somaaliya iyo mushkilada ku habsatay iyo in wax laga qabto markeedi hore waxay bilawgi ka soo unkatay dhinaca dawlada u godlan shacabka somaaliya eeTurkiga oo dhambaal culus u gudbisey Madaxweyne Obama Iyo Dawlada Ingiriiska oo ku yiri Somaaliya maanta uma baahna maawelo iyo in lagu duro irbad kaarka xanuunka mudo gaaban ka jabisa oo kaliya balse loo baahanyahay in dalkaas inta gor gor tahay si dhaba wax laga qabto, haddi kalese dhibku u dhamaanteen soo gaari-doono, waxuuna Ordogaan u si dheer u sharaxay baahida loo qabo in si dhaba loogu dhiso dawlad aan gujo lagu keenin balse mid dhaba oo xoog iyo ciidan dalka nabadgalyadiisa ku hananta

Hasa ahaate waxaa tan turkiga ka horeysay warbixino qaylo dhaana oo ay soo gudbisay safaarada ingiriska ee Nairobi oo ay leeyihiin: Britainey hadaad hurudaan toosa .. masaalixdi ingiriiska ay ku lahayd dalka Kenya waa ruxmeysa .. 30kii kun ee ingiriiska ku sugan kenya iyo tijaartoodi aduunyada lahaa wey sii riiqanayaan haddi aan deg deg wax looga qaban burcad-badeeda malaayiinta doolar sita oo ku damashaadeysa magalada Nairobi oo wax walba xaraasheysa ..  Shabaabka hamuumaya ku soo siqaya dalkaan Kenya oo sidi daad rogmada hadda hawlgalkoodi orod iyo durduro u si gudaaya illa Boka Xaraamka Nayjeeriya .. Britainey Toos hadaad hurudo .. isla sidaas oo kale ayaa iyagana safaarada Mareykanka soo gudbiyeen warbixin taa la mida oo shirki kulamada gaarka looga akhriyey

Arinta oo noqotay culeys iyo xaalad deg dega iyo sidi wada jir wax looga qaban-lahaa waxay keentay in axwaashaan ay iska arkaan Madaxweyne Obama iyo David Cameron, waxaana ugu dambeyn go'aan isla gaareen in dhibatadaas jirta lagu xalinkaro dalka somaaliya oo loo dhiso dawlad awood ciidan leh oo ka hortagta burcad badeeda iyo qaybaha kale ee dalkaas qalalaasaha ka wada sida al-shabaab .. madaxweyne Obama oo is tusay in xaajo loo dhiibo Nin xalinkara, waxuu hawshaas ugu faataxeeyey dawlada ingiriiska in ay iyadu hor boodo .. kadibna masuullinta ingiriiska oo arintaan sidi wax looga qaban lahaa u tala badsaday waxay in mudo ahba xariir la sameyneysay shakhsiyaad Somaali iyo dawlado kale oo dunida ka jira sidi iyo qaabki ay suragal tahay in wax loogu qabto arinta Somaaliya

Rayi aruurinti ayaa u badatay somaalida maanta jirta haddi wax la weydiiyo waa lagu xiiqaya mana garan-karaan waxa ka maqan oo garaadkooda iyo aqoontooda ma dhaafsisna iska eeg un Reer hebel oo dadkaan Somaalida xumaanta ku fogaaday jaanis u haray oo wax laga weydiiyo ma jirto sidaa darteed ayaa hindisahaan mashruuciisa cinwaan looga dhigay Faylki badbaadada Somaaliya  oo la yiri ama ha diidaan ama ha yeelaan dadkaan waa in aan iska qabano waxna loo qabto

Dawlada ingiriiska oo iyadu gedo-gedeynta dhaqan u ah iney ged cusub la soo baxdo waxay  markiiba soo jeedisay fikir ah in dalka maxmiyad waqti kooban la galiyo iyadoo si qarsoon u faafisay qoraalo ay iyadu ka dambeysey oo la xariira fikirka maxmiyada ujeedaduna ahayd in shacabka somaali aragtidooda lagu sahmiyo, .. fikirkaasna dusha laga saaray talyaaniga marin-habaabis awgii, hasa ahaate fikirkaas bulshada somaali ka sokow waxaaba markiiba diiday oo la marsiin-waayey  Sacuudiga,Qadar iyo Turkiga oo yiri soo jeedintaas ma aha wax la aqbali karo ee ingiriisow si kale iyo casharo ay somaalida fahmikaraan wax ha loogu sameeyo, waxayna ugu dambeyn ra'yigi dhinacyada oo rogrogan la isla qaatay in la dhiso dawlad rasmi ah iyo ciidan xoog leh oo looga kaaftoomo dhibaatada dalka ka jirta.

Waxaa shirka ka hor dawladahaas gaarka u shiray ay falaanqeeyeeyn sidi reer somaliland oo 20 sano ku wardineysay iney xaraan ku tahay ka qayb galka shirarka Somaalida shirka loo keeni-lahaa amase laga yeeli-lahaa waxaana su'aal iyo jawaab ka dib la is tusaaleeyeey in gobolada Somaliland ay ka mid tahay Somaaliya oo aysan maanta lumin fursadaas shirka ee qaaliga ah, waxayna xubnihi shirka qaatay isku aragti ka noqdeen in dawladaha kala go'ay ama kala baxay ee aduunka ka jira meesha ay doonaanba ha joogeene waxaa shardi ah iney is ogolyihiin, tusaale ahaan waxaa carabka lagu dhuftay Eretria iyo itoobiya oo kala tagay 1993 sido kale jamhuuriyada Sudaan iyo K/ Sudaan sanadkii la soo dhaafay kala baxay .. Midawgi Sofyat oo u kala baxay 15 jamhuuriyadood .. cala ay xaal waxay qodobkaas ku soo gunaanadeen in markasta laga maarmaan-tahay in cidi kala go'aysa ama xuriyad kala qaadaneysa waa iney marka hore ay is ogolyihiin, waxaana keenistooda shirka iska xil saaray dawlada ingiriiska oo sidey u waaninayeen shirki keentay, waxaana xusid mudan in war muriyeedki laga soo saaray shirki london lagu xusay in Somaaliland iyo Dawlada KMG ah wada hadlka lagu taageero oo micnuhu noqon-karto sida jabhadaha loogu baaqo iney dawlada wada hadlaan .. ereyga war mrtiyeedka waxaa laga ilaaliyey in la yiraahdo Somaliland iyo Somaliya ha wada hadlaan oo micnahu noqon-lahaa laba dawladood oo wada hadleysa. 

Waxaa kalo ay isla garteen in shirka dambe lagu qabto dalka Turkiga magaalada Istanbuul oo halkaas looga hadlo dibu dhiska dalka iyo gaar ahaan dibu habeynta ciidamada xoogi dalka, taaso Raiisal wasaaraha meles Zenaawi saluugmo indhaha iska soo riday guusha raacday Turkiga awgeed oo u jecleystay in shirka dambe lagu qabto Adis Ababa ma daama u kaalin ka qaatay baacsigi iyo xoreynti dalka oo askar iyo saraakiil badan uga dhinteen, hasa ahaate mar dambe oo ay la hadashay Hilary Cilinton  ayuu iska qancay oo saluugmaday ka baxay.

Dawlada Kenya iyada lafteeda oo wax hunguri-yeyneysey waxaa ila amar dambe lagu amray iney ciidamadeeda galin gudaha jubada hoose Kisimaayo, taaso si xan ah lagu sheegay in dacwad lagu oogay Ninka la yiraahdo Gaandi iyo madaxda Gaarisa oo looga shakiyey in ujeedadoodu duulaan tahay iney kisimaayo u qarameeyaan hal beel kaliya oo iyagu ka soo jeedaan.