Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Reer Galbeedka Oo Shiikh Shariif Calan Cas U Taagay Si Looga Reebo Tartanka Villa Somaliya Iyo......

Friday - April 13, 2012

Shabakada Goldogob Times ayaa waayahaanba si gaara u xuuraameysay sheekada iyo hadal haynta bulshada oo ku saabsan xusul duubka shakhsiga markaan u muuqada in loo shidaayo makhaayada aqalka wardhiigley ee lagu raabsado qaaraanka Aduunka, xilkaasoo lagu wado qofka noqonaaya hogaamiyaha inu la wareego biisha August  taaso dadku cida noqoneysa midba sida ay la tahay u abaaray .. sidaa darteed waxaa shabakadaani isha ay ku haysey iyo si dhuun dalool ahba iyadoo daaqad kasta war-xuuraan dibolomaasiyeed adeegsaneysa mudo ugu raad joogtay illa gudaha iyo xafiisyada laga maamulo arimaha siyaasada Somaaliya si ay u ogaato bal sida la doonaayo in wax u kala socdaan. 

Sida la ogyahay Shiikh Shariif Axmed oo ahaa shakhsi reer galbeedku kala soo hareen midawgi maxaakiimta siiba markii la arkay inu yahay nin la marin-karo siyaasadi markaa socotay oo la doonaayey in maxaakiimta naasaha la jaro lana kala jabiyo iyadoo Baarlamaanka awgii 570 xubnood lagu daray, hasa ahate muddo marki la joogay waxay reer galbeedku saluugeen wax qabadkiisa oo durbaba golihi gaarka ee dipolomaasiyiinta Yurub qaabilsan falaqeynta arimaha Somaaliya u soo if baxday in Shiikha si kasta oo loogu macmalay kursiga lagu fariisiyey uu haddana ka yahay Nin seexday oo soo toosay amase uusan noqon-karin shakhsi illa xad aysan ka gadi-karin been-beenta la rabo in lagu seexiyo dadweynaha Somaali, waxayse isla markaa dhinaca kale isaga markhaati kaceen in shacabka Somaali lafa-hantiisaba ayba yihiin dad aan is ogeyn meel ay marayaan oo wixii ay soo mareen aan wax ku qaadaneyn, sidaa daraadeed tashigi saraakiisha haw-wadeenada Mareykan iyo Yurub ee arimaha Somaaliya ugu dambeeyen ku kulmay biishi may 2011 magaalada Nairobi waxay is-tuseen in aysan jirin aragti diideysa in Shiikha calan cas loo taago si u xilka uga tago oo halkiisa meerto ahaan Nin kale la maamuuso lana yiraahdo Somaaliyey midkaan waa dayaxi ummada waa idin hormood si ayaamo ujeedo marin-habaabis bulshada lagu maaweeliyo,

Hadaba si ay go'aankaas uga mira dhalin-lahaayeen iyo wixi ay aaminsanaayeen hawl-wadeenadi ku shuqul lahaa arinta Somaaliya xarfaan iyo aqoona u leh tubta loo maro madaxweyne tartarada la jaro waxay bilaabeen barnaamij lagu karbaashayo Shariifka waxaana durbadiiba la bilaabay in lagu dhaga hadlo oo la yiraahdo Shiikhu wax ma wadi karo, mana ka soo reynaayo iyo argagixisada shabaabka wuu haaraama oo kaliya ee hooy ma dhaho  laakiin Shiikh Shariif oo isagana dhiniciisa ka ogaaday in naxariisti loo hayey ay ujeedo ahayd ayna beenooday isla bixi u ku xisaabtamayey oo reer galbeedku aysan dib dambe u raran-doonin waxuu bilaabay sidi loogu gedo-gedeyn jiray inu isagu markiisaan geed cusub la soo baxo si aabiga qaawan iyo siyaasada raga ay is galeen si raganimo leh uga galgasho, waxuuna isagoo ka dhaga nugul fulinta awaamirta reer galbeedka ee ahayd dib dambe inu isu sharaxin ma yeelin balse fariin u si mariyey Mr. Mahiiga ayuu ku yiri waan is sharaxaya oo raaciyey in dadweynaha Somaali ay madxtinimadisa doonayaan, waxaana la sheegay in rag ka mid saaxiibadiis ee Reer al-Shiikh iyo gaar ahaan Mr. Tarsan oo Shariifka  kula taliyey ballan-qaadna siiyey inu kala hadli-doono dawlada ingiriiska oo ay xirir wanaagsan leeyihiin, waxaana war la xaqiijiyey u sheegaya in Mr. Tarsan u codsi la kulan u dirsaday wasiirka arimaha dibada ee ingiriiska, laakiin jawaabti ayaa lagu yiri soo sheeg ujeedada aad u dooneyso wasiirka .. su'aashaas oo u ka jawaabay jawaabteeda waa u sugaya maya ama haa midkood, laakiin sida la saadaalinaayo ma aha sheeko xaga ingiriiska ka shaqeyneysa sidoo kale waxaa rag dhex roor ah oo si gaara ugu xiran shariifka ay u soo jeediyeen in kubada siyaasada dhan kasta loo laado ergana loo kala diro dawladaha jaarka iyo reer galbeedka oo la gaarsiiyo in Shiikh Shariif muhim ay tahay in la siiyo waqti lana ayido aragtidiisa ku wajahan xaalada dalku ku jiro awgeed isaga uun uu samata-bixinkaro .. dabadeed  sidaas iyo lobbying-kaas u Shiikh Shariif si is maqiiqa ku galo tartanka madaxwenaha biisha August iyadoo halkaas reer galbeedki shalay keenay ay ku yiqiinsan-doonaan in Sheekadi Shiikh Shariif waa idin dabranyahay haba yaraate ay meesha ka baxday, waxaana afka loo badinaya in Shiikhu usan wax taageero ah ka haysan guud ahaan shicbka Somaaliya kulay ku tahay xitaa beesha u ka soo jeedo ee Abgaal, oo la leeyahay shaki kuma jiro in haddu god hoobaaq ah ku dumo aysan reerku u soo baxayn iney ka qodaan.

Dhinaca kale sida la sheego Shiikh Shariif iyo Raiisal Cabdi-weli waxaa in muddo ahba dhexdooda ka jiray xiriir ul iyo diirkeed oo lagu saleeyey dhaqan siyaasad soo jireen ah oo la sheegi jiray inu ka dhexeeyey walaalihi Mudulood iyo Majeerteen oo Shiikha iyo Cabdiba inti muddo ah aragtiidaas isku soo dhaweysey, waxaana jirta in Cabdiweli isagoo ka faaiideysanaya sheekadaas legind-ga badxay ayuu uga fushaday Shariifka saxiixyo badan oo inta badan dan u ah Puntland gaar ahaan ogolaanshaha soo saarida iyo suuq geynta shidaalka Puntland iyo saxiix loo siiyey iney deeqaha dibada iskooda u doonan-karaan aan ku xirmin saxiixa dawlada dhexe, hasa ahaate bilahaan dambe sida aan xuuraanay labada dhinacba dareen baa kala galay, daadna kala xiray oo midkasta dabaalo mooye dariiq kale  oo u furan ma jirto .. Cabdi-Weli Gaas ayaa laga sheegay inu yiri daba galis ma noqon-karo iyo nin sidi ragi iga horey wax kasta la marsiiyo , waxuuna uga digay Shariifka inusan ku kaliyeysan magacaabista jagooyinka sar sare ee dawlada balse wax walba  qaybsadaan 50 iyo 50 .. Shiikh Shariif oo lagu yaqaano nin aan xaga wax magacaabista waxba hambeyn dirir ayuu ka xigay hadalka ka soo yeeray Cabdi-Wali sidaa daraadeed waxaa Shiikh Shariif u muuqatay inu awooda codkiisa Cabdi-Wali ku casilo oo banaanka u saaro, hasa ahate mar dambe ayaa u muuqatay in qaniyada u la raadinaayo Caibdo-weli waxba soo kordhineyn aan ka ahayn iney soo dadajiso carada ay u qabaan reer galbeedka oo ul booca ugu tukubaaya.

Iminka sheekadu waxay taagantahay in reer galbeedka iyo inta la halmaansha oo ay ku jiraan Itoobiyaanka iyo Ugaandhahaba ay sadex arimood midkood Shariifka ula tagaan:

1- In  Shiikh Shariif  loo daayo inu galo tartanka madaxtinimada laakiin lagu xiro shuruud inu magacaabo Raiisal wasaare ay farta ugu fiiqaan.

2- in gabi ahaantiisa la yiraahdo jagada madaxweyne ma doonan kartid oo xujo looga dhigo xisaab xil ma leh iyo xooli u qaranka ka lunsaday oo la yiraahdo maxkamad ama ka tanaasul warkaaga kursi-doonka ah.

3- inu ogolaado wax kasta oo saxiix ay ula yimaadaan Reer galbeedka oo wadanka qaranimadiisa meel uga dhici-karto sida saxiixa go'itaanka Somaliland iyo wax la mida