Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Darawal Ka Tirsan Ciidanka Oo Fashaliyey Fal Lagu Dili-lahaa General Dhagabadane

Saturday - April 7, 2012

Muqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada DFKM ay maanta u soo bandhigeen saxaafada nin ay sheegeen in uu watay Jaakad walxaha qarxa lagu soo rakibay taas oo lagu khaarajin lahaa Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) .

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa looga yeeray xaruna Taliska Villa Baydhabo halkaas oo xarun u ah ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana halkaas kula hadlay Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) isaga oo sheegay in ay fashiliyeen fal lagu dili lahaa madax sare oo ka tirsan DFKM .

Jen Dhagabadan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la soo xiriireen darawalkiisa ayna u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag gaareysa 20,000$ hadii uu seddex Jaakadood oo lagu rakibay walxaha qarxa uu geeyo xafiiska Jen Dhagabadan.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee DFKM Maxamuud Macalin Nuur ayaa goobta ka hadlay waxaana uu mahad u celiyey ciidamadii fashiliyey falka lagu khaarajin lahaa saraakiil sare oo ka tirsan DFKM wuxuuna ugu baaaqay madaxda iyo saraakiisha DFKM in ay foojignaadaan.

Waa markii sadexaad oo uu isku day dil ka badbaadayo Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida G/Sarre Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) wuxuuna sheegay in xukun lagu ridi doono ninka watay Jaakad walxaha qarxa lagu soo rakibay ... A/Cawale