Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Mareykanka Oo Ogolaaday In Dawlada iiraan Ay Sameysan-karto Awooda Atamka Haddi....

Saturday - April 7, 2012

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Barak Obama uu ogolaaday in ay dawlada iiran samaysato awooda atamka ee laga dhalinkaro korontada .. Wararku waxay sheegayaan in fariintan uu madaxweyne Obama u faray Raysalwasaaraha dalka Turkiga Erdogan si uu u gaadhsiiyo muftiga ugu sareeya culumada u talisa dalka iranee la yiraah Cali Khamenei.

Madaxweyne Obama iyo raisalwasaare Erdogan waxay kulan laba saacadood socday ku yeesheen magaalada Seoul ee koonfurta Kuuriya xiligii uu socday shirkii lagag hadlayey hubka dilaaga ah ee loo yaqaan niyuukulayrka ama qumbuladuriyaha. Laakiin madaxweyne Obama waxa uu hoosta ka xariiqay in ay shuruudi ku xiran tahay ogolaanshahan. Shuruudaas oo ah in iiran ay u isticmaasho awooda atamka si ay ka reeban tahay saanad milatari.

USA waxay khamiistii sheegtay in ay weli sugayaan in ay iiraan ka soo qaybgasho wadahadalka ay la leeyihiin golaha amaanka ee qaramada midoobay iyo wadanka Jarmalku. Weli ma cada oo la iskuma afgaran halka uu shirkaasi ka dhici doono, waxaana loo malaynayaa inuu ka dhaco shirkaasi Istanbul ama Baqdaad