Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

M/Weyne Siilaanyo Oo Guddi Wasiiro Ah U Saaray Wadahadalka Maamulka S/Land Iyo Xukumada Dhexe

Sunday - April 8, 2012

Hargeysa: Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa guddi farsamo ka kooba shan wasiir u saaray wadahadalada maamulka Somaliland iyo Dawlada dhexe ee somaliya  kuwaasoo ka qayb gali-doona kulan hordhac ah oo ay dalka ingiriiska kula yeelan doonaan dhinacyada Somaliya, waxaana sido kale dawlada dhexe ee shiikh Shariif madaxa ka yahay dhiniciisa laga sugaaya guddi farsamo oo wada xaajoodkaas gala.

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Siilaanyo isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay dhinacooda Somaliland wax ka fulaan go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka dhinacyada somaalida, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka kuwaas oo kala ah:-

1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade 4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud