Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Qaraxi Golaha Murtida Ku eedeeyey W. Warfaafinta

Monday - April 9, 2012

Muqdisho:-(RT) Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay markii ugu horeysay sababta dhalisay qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweyne Shariif sheegay in isaga xitaa lagu casuumay, balse uu uga cudur daartay arrimo farsamo dartood.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG ah in Wasaaradda Warfaafinta ay leedahay khaladka ugu badan ee keenay qaraxii Tiyaatarka Qaranka oo uu sheegay in habka loo agaasimay uu ahaa mid gebi ahaanba khaldan oo aan la eegin dhinaca ammaanka madaxda ka soo qeyb galeysa munaasabaddii halkaasi ka dhaceysay.

"Khalad ka yimid Wasaaradda Warfaafinta ayaa sababay qaraxii Tiyaatarka" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in inta aan xafladda la qaban uu weydiiyay Wasiirka Warfaafinta inuu keeno qorshaha munaasabadda, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday jawaabtii ka timid Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweyne Shariif waxaa kale oo uu sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dhammaanba hay’adaha amniga aanay waxba kala socon xafladaasi, taasi oo keentay dayac ka yimid dhinaca ammaanka ah, wuxuuna caddeeyay in sidaasi uu ku dhacay qarax is miidaamin halka ay madaxda Dowladda fadhiday.

"Xildhibaan aan la kulmay wuxuu ii sheegay in keligii la siiyay Toban INviito, taasi oo keentay in dadka munaasabadaasi ka casuunaa ay faraha ka bataan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay dhinaca kale in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay isku dayayaan inay adeegsadaan wax kasta oo nabadgelyada khalkhal gelin kara.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Dowladda KMG ah xukuumadiisa sida ay uga hortageyso falalka noocaan ah ayuu sheegay inay ka hortageyso wax kasta oo xasiloonida dhaawacaya, isla markaana magaalada Muqdisho gaar ahaan ay u sameyn doonaan qorsheyaal lagu adkeynayo nabadgelyada .. Realtaleex News Desk.