Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dawlada Sh.Shariif Oo Looga Digay Iney Wada Hadal La Gasho S/Land Ma Daama Aysan Lahayn Biseyl.....

Tuesday - April 10, 2012

Muqdish: Baarlamaanka dalka Soomaliya oo shalay fadhi ku yeeshay Magaaladda Muqdisho, ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba uga digay inuu si fudud wada hadalo ula gallo xukuumadda Sheekh Shariif oo ay sheegeen in aanay ahayn mid kalsooni ka haysata shacabka Soomaliyeed isla-markaana bisayl siyaasadeed oo ay ku gasho dhibaatada siyaasadeed ee ilaa lixdankii soo taxnayd.

Sidoo kale, waxay sheegeen beesha caalamku inay ka rajo dhigtay siyaasada Sheekh Shariif iyo xukuumadiisa oo noqotay mid ay bariinsatay musuqmaasuq iyo maamul xumo la daadegtay dedaalada beesha caalamku ku doonayo inay dawlad sal balaaran u dhisaan Soomaliya.

Mudanayaasha fadhigaas ka hadlay waxay dhaleeceeyeen siyaasiyiinta gar-wadeen ka ah wada hadalada Soomaliya oo ay sheegeen inay yihiin qurba-joog aan waxba ka ogeyn dhibaatada Soomaliya taala isla-markaana dalka u gacan galinaya dawlado iyo shirkado ay dilaalayaan oo ay u qaybinayaan khayraadkii Soomaliya.

Xildhibaan Saleebaan Calanle waxa uu sheegay inay doonayaan in wada hadalada Soomaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo miro dhala "Wada hadalada waxaanu doonaynaa inay noqdaan kuwo wax ka soo baxaan oo midho dhala, laakiin madaxdaa iyo dawladaa cusub la jaanqaada, wada hadalka iyo in wax la iswaydiiyaa way fiican tahay, laakiin waa inaad la hadashaa qof matali kara umadda Soomaliyeed oo rabitaanka shacabka ku shaqeynaya lana ogol yahay oo wax goyn kara, laakiin dad aan shacabku ogolayn oo lagu eedaynayo kiisas badan rabbana inay dalka ku wareejiyaan shirkado ajaanib ah oo ay kursigooda ku ilaashadaan.