Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Wadaadki Maylka Adkaa Fu'aad Shangolle Oo Gaaray Buuraha Golis Ee Gobolka Bari Kana Taagay Calanki..

Wednesday - April 11, 2012

Bosaaso:-(RT)Ayadoo maamulka Puntland shaaciyeen in degaanadooda ku soo qulqulayaan kooxda Shabaab si ay uga mid noqdaan kooxda buuraleyda ee gal-gala, waxaana halkaas calanka si toosa uga taagtay wadaadka mayalka adag ee Sheekh Fu’aad Maxamed oo ah madaxa dacwada ee shabaab mujaahidiin.

Fu'aad Khalaf "Fu’aad Shongolle" ayaa waxay gaareyn Buuraleyda Golis ee Gobolka Bari ayaa bilaabay ololo oga dagaalamaayo degaanada Puntland oo kasoo jeedo waxaana lasheegay in wadaadka oo tageero xoogan kuleeyahe degaanada Puntland lagana yaabo in oo kahelo shacbiyad farabadan sida ay shegen dadka odoreya Siyaasada Puntland.

Saraakiil aad u farbadan aya lasheegay in ay gareen degaanadaas saaacadighi lasoo dhaafay halka qaarkood ay yihiin ajaaniib kabar bar dagaalanto shabaab kuwaas oo wado in kasii kaxayeaan jihaadka kabaadi goobayaan gudaha dalka soomaaliya.

Buuraleyda Galgala ayaa waxay gaarayaan Gobolka Sanaag, gaar ahaan qeybo ka mid ah banaanka Magaaladda Ceeri Gaabo ee Gobolkaasi Sanaag, halkaasoo ay dibadeedu jooggaan Ciidamadda Somaliland.

Isku sowada duub Puntland iyo Saraakiisha Shabaab ayaa waxay muddooyinkii isku dambeysay ay hawada iskaga jeedinayeen hanjabaado kul kulul, waxayna labada dhinac ay ku hanjabeen in midba midka kale uu meesha ka saari doono.