Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

M/Weyne Sh.Shariif Oo Hargeysa U Dirsaday Koox Reer Al Shiikh Ah Si Ay U Soo Xulaan Xildhibaano...

Thursday - April 12, 2012

Hargeysa- Xigasho Waaheen: sida ay tibaaxayaan Warar Wargeyska Waaheen helay waxa Hargeysa ku sugan koox ka tirsan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee taageersan Madaxweynaha Somaliya Sh Shariif, waxaanay ilaha warka na soo gaarsiiyay ku sheegeen Ujeedada socdaalkoodu inay tahay sidii ay Madax dhaqameedka Somaliland uga heli lahaayeen Siyaasiyiin ka mid noqda Baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Somaliya.

Kooxdan Sh Shariif soo dirsaday ee Hargeysa ku sugan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo Aalla Sheekh oo ah koox khusuusi ah oo leh awoooda ka talisa xukuumadda Madaxweyne Sh Shariif, waxaana ka mid ah masuuliyiinta Hargeysa u yimi inay u ururiyaan Xildhibaanada cusub Nin lagu magacaabo Muxyadiin oo ka soo jeeda Deegaanka Hargeysa gaar ahaana beesha Salaxlay, Yuusuf Cali Caynte oo ah Beesha Maroorsade iyo Nin la yiraahdo Abtidoon oo la sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Saleebaan.

ilaa hada si rasmi ah looma oga inay Xukuumadda Somaliland ogtahay dhaqdhaqaaqa Kooxdan oo la sheegay dhamaantoodba inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Somaliya gaar ahaan garabka Sh Shariif, kuwaasoo olole ugu jira sidii ay Baarlamaan cusub u samayn lahaayeen iyagoo doonaya kuwii hore inay kala diraan.

Baarlamaanka Somaliya inttoda badan ayaa ka soo horjeeda Xukuumadda Sh Shariif, waxaanay ku dhawaaqeen in 30 bishan April ay qaban qaabinayaan Doorasho lagu soo dooran doono Madaxweyne cusub, halka ay beesha Caalamkuna ka wado Doorasho Madaxtinimo oo qabsoonta bisha Aougost.

si kasta ha ahaatee talaabadan ay xildhibaanada Somaliya ku joogaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa noqonaysa mid fool xun isla markaana waxa la isweydiinayaa sababta ay Xukuumadd Somaliland talaabo uga qaadi la’dahay, inkasta oo ay ku soo hagaagtay wakhti Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay dhismaha Guddi ka qayb qaadata wadahadalada Somaliya ee dhawaan lagu qaban doono wajigeedii labaad dalka Turkiga iyadoo guddidaasi kulamo gogol xaara u tagi doonta dalka Ingiriiska. ka hor bisha Juun.