Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

226 Somali Ah Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaal Dalka Liibiya

Friday - April 13, 2012

Tripoli:-(RT)Tahriibayaal Soomaaliyeed, oo wada Dhallinyaro ahaa, ayaa maanta(12/04/2012) laga sii daayay Xabsiga weyn ee ‘Garyaan’ oo 70 km. xagga Koonfureed kaga aaddan Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Tahriibayaashan, oo in muddo ah ku jiray Xabsigan, ayay tiradoodu ahayd 266 qof, oo isugu jiray 76 dumar ah iyo 190 rag ah.

Muhaajiriintan ayaa badankood toddobaadyadii la soo dhaafay, maalmo kala duwan, laga soo qabtay gudaha Badda;iyagoo ku guda-jiray Tahriib xagga Badda ah, oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Xeebaha Talyaaniga; waxaana loo soo gacan-geliyay Ciidanka Ammaanka ee Libya.

Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Libya, ayaa dadaal badan u galay sii daynta dhalinyaradan; waxayna Xukuumadda Libya oggolaatay Codsigii Safaaradda Soomaalida ee cafiska iyo saamaxaadda loogu dalbayay Muhaajiriintan.

Ha-yeeshee,waxaa loo jeediyay Tahriibayaasha ‘Digniin kama-dambays ah’, oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Safaaradda, waxna ka saxeexeen. Waxaa laga qaaday faro. Waxaana lagu war-geliyay: in haddii ay Tahriibkan oo kale ku laabtaan mar dambe,la hor-gayn doono Maxkamad, laguna qaadi doono sharciga ka yaal Tahriibka sharci-darrada ah ee xagga Badda Libya.

Waxay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Tripoli uga mahad-celiyeen Xukuumadda KMG ah ee Libya ka-oggolaanshaha codsigoodii ahaa, in la cafiyo Muhaajiriinta Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo Duruufaha gaarka ah ee ka dhashay Xaaladda Somaliya.