Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Wargeyska La Long War Journal Oo Sheegay In Abuu Mansuue Al- Amrriki Iyo Xubno Shabaab Ah La Dilay

Saturday - April 14, 2012

Somaliweyn: Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Maraykanka qaarkood ayaa waxsaa ay sheegayaan in Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta ay dileen Abuu Mansoor Al-Amriki oo ka mid ah saraakiisha dhinaca ciidamada ee Al-Shabab.

Dhawr wargeys oo ka soo baxa wadanka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dawlada Maraykanka iyo ilo ay sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin ayaa sheegaya in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansoor Al-Amriki una dhashay wadanka Maraykanka la dilay asaga iyo xubno kale oo Shabaab ka tirsan kuwaasoo aan la shaacin inay Soomaali yihiin iyo in kale.

Hay’adda dawlada Maraykanka u qaabilsan la socoshada waxa argagagixisada loogu yeero saraakiil ka tirsan oo la hadlay wargeyska la yiraahdo The Long War Journal ayaa sheegay in Abu Mansoor Al-Amriki la gawrcay 4,tii bishaan aan ku jirno ee April inkastoo ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan goobta lagu dilay.

Sidoo kale war laga soo saaray xarun lagala socdo dhaq dhaqaayada Al-Qacida ee gacanka Cadan oo ku taala magaalada Washington ayaa waxaa lagu sheegay in warbixinadii ugu dambeeyay ee lahelayo ay muujinayaan in Xarakadda Al-Shabab ay gawraceen Abuu Mansoor Al-Amriki oo saraakiisha ciidamada Al-Shabab kuwooda ugu sar sareeya ka tirsanaa.

Wargeyska The Long War Journal ayaa ku waramaya in meydka Abuu Mansoor iyo xubnno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo lala dilay aan willi la aasin .

“Waa ay jirtaa wararka ah in la dilay Abuu Mansoor Al-Amriki waxaana noo xaqiijiyay ilo wareedyo gudaha Soomaaliya jooga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Maraykanka waliba waxaa la dilay 4,tii bishaan April” ayuu yiri tifaftiraha wargayska warkaan qoray Bill Roggio hase ahaatee waxaa uu xusay inaysan jirin wax xiriir ah oo ay la sameeyeen dhanka Xarakadda Al-Shabab.

Bishii hore March ee sanadkaan ayayaheyd markii barta internetka ee YouTube,ka laga daawaday cajal maqal iyo muuqaal ah oo uu soo duubay Abuu mansoor Al-Amriki taasi oo uu ku sheegay inuu ka cabsi qabo inay Shababku dilaan.

Cumar Xamaami oo ku magac dheer Abuu Mansoor Al-Amriki oo 27 sano jir ah waxaa uu u dhashay wadanka Maraykanka waxaana uu wax ka bartay jaamacadda Alabama ee wadanka Maraykanka waxaa hay’adda FBI,da Maraykanka ay liiska dadka waxa argagagixisada loogu yeero lagu daray sanadkii 2007-da.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabab oo warkaan lagu beeninayo ama lagu xaqiijinayo