Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Wasiiradi Caga-Baruurta Ee Wadahadlka London Oo Laga yaabo In Qodobo Aysan Fahmikarin Lagu Gawraco

Sunday - April 15, 2012

Mogdisho- Growe- Gaalkacyo- Baydhabo: Magaalooyinka ee guud ahaan ay ku noolyihiin bulshada Somaali ayaa ila iyo shalay shuushuu guux aan deynin iyo hogasho ciil oo si deeply shocked ah ka muujiyey guddiga aan macquulka ahayn oo la sheegay inu Shiikh Shariif u magacaabay wada hadalka London oo ay ku kulmayaan dhinacyada maamulka Somaliland iyo dawlada ku meel gaarka , waxaana carabka loo badiyey in magacaabida guddiga u Shariifka cadeystay iskana dhagooleeyey inusan cidna kala tashan oo u kaligiis go'aanka iska gaaray, iyadoo lagu eedeynaayo inu xulka ka ilaaliyey dadkii ku haboonaa iney ka qayb galaan taaso oo ah bariiqasho iyo hagardaamo hor leh oo shacabka Soomaali u soo hoyatay. 

Waxaa la hadal haya in ergooyinka Shiikhu magacaabay ay ka kooban-yihiin 5 xubnood oo aan wax aqoon taariikh ama waayo aragnimo u  lahayn waxyaabaha laga wada hadlaayo iyo qodobada la wada gorfeynaayo, waxaana cabsi laga qabo in wada hadalka hore lagu budeeyo amase lagu gawraco qodobo aysan fahmi-karin oo dib looga shalaayo .. taasna waa jaanis iyo fursad dhiiri-galin maanta u soo martay maamulka Siilaanyo oo iyagu aan dooneyn iney horfariistaan dadka talada dhabta ahi ka go'do, halka madaxweyne Siilaanyo u soo xushay rag rug cadaa ah qalimada wax ku xarfeeya tusbaxana u rogaaya qadiyada go'itaanka Somaliland oo marna aan maqli-karin magaca Somaaliya.

Sida ay ku imaan-karto wada hadal xalaal ah oo loo dhanyahay kuna saleysan mustaqbalka Somaliya waxaa khasab ah iney wada hadalka loo saaro dadkii aqoonta iyo siyaasadi jaan-dheerta tumi jiray misaan iyo waayo aragnimo u leh xayndaabka xujo ee siyaasadaha iyo gaar ahaan iney ergada ka mid noqdaan shakhsiyaad jilba culusta ka soo jeeda Sool, Cayn, Sanaag iyo Awdal intaba ee ma aha in wasiiro caga baruur ah dhuluq dhuluq u soconaaya sidi geel jiraha geed ka boodaya aan qabuul lahayn goobta loo diro. 

Sida la aaminsanyahay qaabka sheeko xumida u Shiikh Shariif la yimid ma ahaa mid xeerineysa magaca iyo sharafta ummada somaaliyeed mana aha mid waafaqsan maamuuska bratakool iyo dastuurka lagu galo wada hadlka, balse waxaa la tuhunsan-yahay meesha iney ka jirto il-jabin iyo shukaamin gaara oo ay ka dambeyaan dawlada shisheeye oo lagu yiri meesha ha keenin rag wax qasa .. koleyba wada hadalka waxaa ka horeeya in madaxweyne Siilaanyo waxa u doonaayo iyadoo qodobeysan u soo gudbiyo dhinaca Mogdisho, dabadeedna golaha wasiirada oo kaashanaya khubaro siyaasiyiin oo waayo aragnimo leh ay gorfeyaan qiilkii jawaabta la doonayo in wada hadalka lagu galo , isla markaana halkaas lagu magacaabo shakhsiyaad xulan oo dekareto sharci ah ku xusan iyadoo loo xadadaayo illa xadka loo ogolyahay iney ka hadli-karaan amase qodbkasta muran gala kula soo noqdaan dawlada .. waxaana wada hadalka iyo fadhiga awalan ka si horeya in marka hore lagu heshiiyo magaca ay ku soo fariisanayaan miiska wada hadalka kooxda Somali-diidka u hadleysa ... ma waxay shirka uga qayb galayaan iyagoo wata magaca dawlada Somaliland mise waqooyi galbeed mise Gar-adag state, Hargeysa state mise Dirta waqooyi oo konfurta ka ashtakoonaya oo xaal marin doonaya .. waa in magaca lagu shiraayo lagu waafajiyo wada hadalka labada dhinac oo la cadeeyo intaan shirka la galin .. Arintu si kastaba ha noqte sida muuqata taladu waa too late, balse uureysataye ha la eego waxay dhali-doonto