Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Waa Qiiso ilaa Iminka Dunida Oo Dhan Laga Wada Hadal Hayo .. ilaahay Baa Waxna Dila Waxna Nooleeya

Monday - April 16, 2012

Qisadan oo ka dhacday dalka Argentina ee qaarada koonfurat America ama loo yaqaano Latin America. Lamaane is qaba oo dalkaas u dhashay, ayaa takhtarka xaaskiisii oo foola loola cararay. Waxaana markii dambe la geeyey qaybta umulisada ee takhtarkii magaalada ku yaalay .. Arrinta cajiibka ahi  waxa weeyi, markii ay umushay haweenaydii uurka lahayd, ayaa 2 saacadood ka dib loo sheegay in ilmihii yaraa ee ay dhashay uu dhintay. Ruuxii haweeynayda ahayd, oo weli suuxdintii ay jirka ku sii jirto ayaan, warkii loo sheegay aan si fiican uga degin, markii danbe ee loo sheegay in uu dhintay ilmaheedii ay aroornimadii dhashay, ayaa waxa ay qaaday shook (naxdin) . Ilmihiii yaraa ayaa loo qaaday isagoo meyda, qaybta meydka la dhigo ee talaagadaha. ilmihii yaraa sidii ayaa loogu riday talaagadii. 12 saacadood ka dib markii ay ka soo wareegtay markii ilmaha la geeyey talaagada ee lagu ridey, ayey hooyadii ilmaha yar dhashay iyo aabihii goáansadeen in ilmahoodii dhintay ee talaagada la galiyey ay soo maca salaameeyaan .. Markii ay talaagadii sidaa u fureen ee ay taataabteen ilmihii waxa ay dareemeen in uu ilmuhu dhaq-dhaqaaqayo oo uu ooyayo. (subxaanalaah).
 
waxa ay ku noqodtay naxdin labaad, amakaag, shook. u qaadan waa. Halkii ayey ku carareen qoladii shaqaalaha talaagada, una sheegeen in ilamoodii uu dhaqdhaqaayo .. ilmihii waa laga soo saaray talaagadii oo waxaa lagu xanaanaynayaa qaybta carruurta . Waxaa ilaa imminka la is weydiinayaa waxa weeyi ilmaha ku jiray talaagada ilaa 12 saacadood, tambarayjarkaa intaa le éeg sidee ayuu uga badbaaday. (Ilaahay baa waxna dila waxna nooleeya) Waana qiso ilaa imminka dunnida oo dhan laga wada hadal hayo
 
Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda. Mareegta Caafimaadka Www.Caafimaadka.com