Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Beesha Leelkase Oo Sameysay kulamo La Isku Arko

Monday - April 30, 2012

Mogdisho: Shalay bisha abril markay ahayd 29 iyo hotelka habka weyn ee Embssy ayay kulan  ku yeelatay bulshada beelweynta leelkase, halkaaso marti sharafki qadada kadib ay halkaas ka bilaabatay khudbado looga hadlaayey munaasabada iyo ujeedada kulanka la isugu yimi oo inta badan lagu xusay in la is barto gaar ahaan walaalaha iyagu inta badan ku nool gudaha dalka iyo siiba saaxibada iyagu markaan socdaal ku soo gaaray magaalada Mogadisho.

Waxaa goobta shirka khudbadi ugu horeysay qaatay wakiilka Ugaaska Leelkase Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali oo isagu run ahaanti fidiyey martiqaadki qadada la isugu yimi waxuuna halkaas ka sheegay in martiqaadka iyo kulankaan maanta la isugu yimi ay guud ahaan ujeedadu ahayd in la is barto lana is arko si illaa xad loo mataaneyo aragtida kala duwan ee beesha khaasatan ku wajahan arimaha siyaasada ee maanta socota, waxuuna si gaar ugu hambalyeeyey bulshada reerka oo shirkaan martiqaadka ka soo qayb gashay isla markaana kula dardaarmay in si wada jira arimaha socda iyo hawlaha laysaga baahanyahay loo wada gorfeeyo.

Dhinaca kale goobta shirka waxaa iyagana ka mid ahaa oo shirka ka soo qayb galay Salaadiinti beesha oo u ka mid yahay Garad Maxamuud Afar-indhood iyo Suldaan Maxamed Juunle oo iyagana halkaas ka sheegay hadalo dhiiro galin ah oo taageeraya hadaladi Ugaaska u maxfalka ka sheegay, waxaa isla marka shirka mid mid uga hadlay xildhibaanadi baarlamaanka ku meel gaarka ee beesha oo halkaas ka akhriyey hadalo ku aadan munaasabada goobta shirka.

Waxaa iyadana xusid mudan in todobaadki hore u wax-garadka beesha qado u sameeyey Dr. Cabdulaahi Salaad Dude, halkaasoo odayaashi iyo dhallinyaradi martiqaadka ka soo qayb gashay la isku dhaafsaday hadalo guud ahaan ujeedadeedu ahayd in la isla meel dhigo siyaasada socota oo la doonaayo in reerku si wanaagsan oo kala digdhigan u darsaan siyaasadaha socda si ay miro dhal ugu noqoto guud ahaan beesha.