Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Koonfur Sudaan Oo Codsatay In Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafka Labada Sudaan Laga Saaro ......

Monday - April 30, 2012

Dawladda Koonfur Sudan ayaa soo jeedisay in Madaxweynihi hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, laga saaro guddida dhexdhexaadinta Sudan iyo Koonfur Sudan ee Midowga Afrika (AUHIP),iyada oo aaaminsan inuu u janjeero dhanka Waqooyiga.

Horraanta bishan ayey aheyd marki Afhayeenka dowladda Koonfur Sudan, Barnaba Marial Benjamin, uu tagay Nairobi si uu dawladda Kenya uga dhaadhiciyo in ay taageerto fikirka Koonfur Sudan ee ku aadan sidii meesha looga saari lahaa Mabeki.

Dawladda Koonfur Sudan, ayaa aad uga carootay culeyska siyaasadeed ee kaga imanaya Midowga Afrika, kadib qabsashadi ay dhawaan Sudan kala wareegtay gobolka shidaalka qaniga ku ah ee Heglig.

Koonfur Sudan ayaa doonaysa in guddida dhexdhexaadinta ee Midowga Afrika lagu badallo mid ka socda urur gobolleedka IGAD oo ay u aragto xal lagu soo afjaro kara  dagaalka aloosan.

Mbeki, ayaa ah shaqsi miisaan culus ku leh siyaasadda Qaaradda Afrika waxa uu u ololeeyaa fikirka Dib-u-Curashada Afrika. Mbeki, ayaa aaminsan in xalinta dhibaatooyinka Afrika ay u taal dadka u dhashay qaaradda Afrika oo kaliya.