Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Masuuliin Somaali Oo dhimasho iyo dhaawac Ka Soo Gaaray Degmada Dhusamareeb

Tuesday - May 1, 2012

Dhusamareeb:Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud wararka laga helay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin uu ka dhacay goob shaaha lagu cabo, oo ay markaas ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kmg iyo saraakiil ka tirsan dawlada.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa inuu fuliyay qof naftiis halige ah, waxaana goobtaasi ku geeriyootay 12-qof oo ay ku jiraan Xildhibaanada kala ah: Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/Weli Ow Maxamuud oo iyagu isla goobtaasi ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa qarxaasi ku dhaawacmay Axmed Xaaji C/Salaan , iyadoo sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmeen saraakiil iyo dad rayid ah oo goobtaasi ka ag dhawaa.

Tirada dadka ku geeriyooday qaraxa is miidaaminta ah ayaa la sheegayaa inay gaarayaan 20-ruux oo isugu jira Xildhibaano, saraakiil iyo dad rayid ah oo goobtaasi ka dhowaa.

Dhinaca kale Ciidamada maamulka Ahlu Sunna ayaa daqiiqado kaddib goobtaasi soo gaaray iyagoona bilaabay inay halkaasi ka daabulaan dadka qaraxa ku dhaawacmay iyo inay qaadaan dadkii ku geeriyooday, iyadoo haatan xaaladda magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid kacsan, waxaana socda baaritaano la xiriira Falkaas argagaxa leh