Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xuska Maalinta Madax-banaanida Saxaafada Aduunka Oo Beri Ah Iyo UN-ka Oo Sheegtay In.......

Tuesday - May 1, 2012

Gaalkacayo– Xuska Maalinta Madax-banaanida saxaafadda ee Adduunka oo ku beegan 3-da bishan May ayaa Munaasibad loogu diyaar-garoobayo lagu qabtay Magaaladda Gaalkacayo ee Maamul goboleedka Puntland.

Xuskan oo uu soo qaban-qaabiyey urur saxafiyiinta ee NUSOJ oo gacan ka helaysa hay’adda UNPOS ayaa waxa lagu soo bandhigay fariimo ay saxaafada caalamka u direen xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Banki-moon iyo madaxa hay’adda UNESCO Irina bokova, taasi oo ku aadan debaal-degga maalinta Madax-banaanida saxaafada adduunka. Fariinta xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo Madaxa UNESCO warbaahinta ugu tallo-galeen ayaa lagu sheegay in sanadkan oo kaliya adduunka lagu dilay 62 Suxufi, halka ay tacadiyada lagula kaco saxaafada adduunka ay cambaareeyeen.

Munaasibadan oo loogu diyaar-garoobayo xuska Maalinta Madax-banaanida warbaahinta oo lagu soo bandhigay Tacadiyada ka dhanka ah saxaafada xorta ah ee Soomalida iyo duruufaha ku gedaaman hawlahooda warbaahinta, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha ururka saxaafada ee NUSOJ Burhaan Axmed Daahir Afrax, waxaanu sheegay tacadiyada loo gaysto suxufiyiinta ka hawlgasha Soomaliya isagoo sheegay in xaalad adag ay ku shaqeeyaan dhammaan wariyayasha ka shaqeeya warbaahinta Soomaliya isla-markaana ay la kulmaan dilal, handadaad, Jidh-dil iyo xadhig joogta ah oo loo gaysto dhammaan suxufiyiinta.

Dhanka kale, xuska Maalinta saxaafada caalamka ayaa ku soo beegmaya xili ay Somalia guud ahaan ka jiraan tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta Madaxa-banaan, iyadda oo intii xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo xukunka haysay xabsiga la dhigay in ka badan 45 Wariye, kuwaasi oo si aan sharci ahayn loo xiray, iyadda oo intaasi ay dheer tahay tacadiyo dil joogta ah oo loo geysto weriyaasha ka hawlgala mogdisho iyo Puntland oo tacadiyo gaarsiisa saxafiyiinta qarkood