Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Kuweit Oo Sharciyeysay Qofkii Wax Ka Sheega ilaah Iyo Nabi Maxamed (CSW) U Mudanaayo Ciqaab Dil Ah

Sunday - May 6, 2012

Kuwait - Golaha umadda ee dalka Kuwait ayaa fadhi gaar ah oo uu yeeshay waxa uu aqlabiyad ku ansixiyey in xukuumaddu ay dhaqan geliso sharci adkaynaya ciqaabta ka taalla qof kasta oo wax ka sheega Ilaahay, nebiyada, rasuullada Alle soo diray ama wax ka sheega sharafta rasuulkii Muxamed (SCW) iyo xaasaskiisa.

Sharcigan uu goluhu u gudbiyey xukuumadda waxa uu dhigayaa in xukun ciqaabeed dil ah lagu fuliyo qof kasta oo si uun xumaan uga sheega ilaahay, Rasuulka ama xaasaskii rasuulka, iyada oo marka hore laga dalban doono in uu si buuxda uga toobbad keeno, haddii kalana dilkan lagu xukumi doono, waxaa iyaguna ciqaabtan oo kale mudan doona dadka sheegta Nebinimada. Waxa uu xeerku dhigayaa in haddiiba uu cafis dhinaca xukunka dilka ahi yimaaddo in waxa keliya ee qofkaa loogu beddeli karaa yahay xabsi madaxaa ha ku furto ah. Dadka aan muslimka ahayn ee ku nool dalka Kuwait ayaa uu sharcigu dhigayaa in haddii ay dembiyadan ku kacaan iyaga lagu xukumi doono Toban sano oo xabsi ah.Wasiirka arrimaha diinta ee dalka Kuwait Jamaal Shihaab ayaa isaguna si rasmi ah u sheegay in xukuumaddu ay dhaqan gelin doonto sharcigan.

Xeer ciqaabeedkan uu golaha umadda ee dalka Kuwait soo saaray ayaa qodobkiisa 111 waxa uu dhigayaa, “Dil ayaa lagu xukumayaa muslim kasta oo iyada oo la maqlayo si xaqiraad ah, ama dhaawacid ah u yidhaahda, ugu dhawaaqa, u qora, u sawira ama si kale wax uga sheega ilaahay, Qur’aanka Kariimka ah, Nebiyada, Rasuullada Alle ama wax ka sheega sharafta Rasuulka (SCW) ama sharafta xaasaskiisa, kadib marka uu garsooraha la horgeeyey ka dalbado iyada oo waajib ku ah in uu Alle u toobad keeno. Waxa isla ciqaabtaas mudanaya qofka nebi sheegta, maxkamadduna awood uma laha in ay xukunkan ku beddesho wax aan ahayn xabsi daayin, haddii aanu qofku muslim ahayna waxa uu xukunkiisu noqonayaa 10 sano. Dhammaan agabka uu qofku u isticmaalay dembiganna dawladda ayaa la wareegaysa”

Wasiirka arrimaha diinta oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in sharcigani uu kor u qaadayo ixtiraamka bulshada dhexdeeda, isaga oo ka jawaabaya in ay arrintan madow ku keeni karto xiriirada caalamiga ah ee dalkiisa iyo xoriyatul-qawlka waxa uu wasiirku yiri, " In wax yaabaha muqaddaska ah la ixtiraamaa kama hor imanayso heshiisyada caalamiga ah. Xoriyadda hadalkana macnaheedu ma’aha in wax laga sheego diinta iyo wax yaabaha ay umadda muqaddaska u ah"