Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maxa Lagu Arkay Dahabshiil By Xuseen Caydiid Cawad

Monday - July 23, 2012

Waxaa mudooyinkan danbe aad isu soo taraya Dhaliilooyin, naceyb loo qabo shirkada Dahabshiil
Hadaba maxay umada Soomaaliyeed iyo Somaliland ku aragtay shirkadan?

Dhab ahaantii shirkadan waa shirkad magac iyo sumcad ku leh dhamaan daafaha dunida iyo dhulka ay degto somaalidu, Maamulkeedana waxa uu ku caan baxay Hufnaan , Amaano iyo Adeeg wacan.

Nasiib daro maalmahan danbe waxa ay la kulmaysey turunturooyin iyo hiif kaga imanaya Umada Reer Somaliland iyo Somalia, Waxaan is weydiiyey maxaa keenay nacaybkan ugubka ah ee loo qabo shirkadan.

Aniga oo afkayga ka dhawraya in aan geysto wax xad gudub ah, waxaan is iri waxaa aasaas u ah arimahan soo socda.

1.Shirkada oo taageero dhaqaale ka geysatay Dawladii Somaliland ka dhalatay , kadibna Shaqaaleheedii ay noqdeen raga haga Dawlada.
 
2.Dawlada Somaliland oo uu ragaadiyey musuqmaasuq uu garwadeen ka yahay Wasiir Xirsi Xaaji Cali Xassan kaasoo ay dahabshiil ilma-abti yihiin, iyo shirkada Somtel oo aad moodo in leeyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo , Shirkadan oo ah golo joog markasta oo la qabto xaflado ay dawlada Garwadeen ka tahay, arinkaasi oo ah fursad ganacsi oo ay dheertahay shirkadaha ka ganacsada tele-communication sida Solteco, Telesom., African online , Global IWM
 
3.Shirkada oo aan moodo in ay maalmahan danbe ku milantay siyaasada, iyo Xan xoog badan oo sheegaya, in Cabdirashiid Dahabshiil uu leeyahay han siyaasadeed.
 
4.Beelaha ku noo Somalia iyo Somaliland oo u arkay in shirkadii aanay dhex u ahayn , xaga ka qeyb qaadashada horumarineed iyo kaalmooyinka guud, Tusaale Shirkadan weligeed wax Horumarin kaalmo kama geysay Gobolka Sool , Sanaag, Bay, Bakool, Galguduud, Iyo kuwa la mida
 
5.Warbaahinta Somaliland/Somali oo shirkadu aanay waxtar weyn ka geysan,Waxaa kaloo jirta dad badan oo xaasidnimo u daba taagan oo aan jeclayn in ay sii hana qaado, sikastaba ha ahaatee Shirkada Wadkeeda dilayaa waa Xirsi Xaaji Cali Xassan oo ah ka ay daba socdaan raga Hack gareeyey shirkada ayna adag tahay in la kala saaro shirkadan iyo Dawlada Siilaanyo oo weyday kalsoonidii shacabka Somaliland.

Xussein Caydiid Cawed ,Ceerigaabo , Somaliland