Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

M/weyne Shariif Oo Prof Jawaari La Doonaya G. Baarlamaanka Iyo Khilaafka Labada Shariif Oo ......

Wednesday - August 1, 2012

Xigasho-Waagacusub.com- Shariis Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu Maalgelin badan Ku sameeyay Prof Jawaari iyada oo la sheegayo in Madaxweyne Shariif uu doonayo in Prof Jawaari uu ku guuleysto Gudoomiynimada Baarlamaanka si uu meesha uga saaro hanka Shariif Xasan Sheekh Aden ee ah inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in ay caqabad xoogani kasoo foodsaartay dhanka Shariif Xasan Sheekh Aden maadaama musharixiinta ka taagan dhanka Beelaha Digil iyo Mirifle uu yahay shariif Xasan kaliya, Halka Beesha Hawiye Musharixiinta ka taagan ay ka badan yihiin 20 Musharax. 

Madaxweyne Shariif ayaa rajada uu ka qabo inuu soo noqdo waxaa qeyb ka ah inuu helo Musharax kasoo jeeda Beelaha digil iyo Mirifle oo isaga taageersan, doonayana inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee dawladda Soomaaliya yeelan doonto mustaqbalka dhow.

Musharaxaas oo uu doonayo inuu meesha ka saaro saaxiibkii hore Shariif Hassan Sheekh Aden oo doonayo inuu mar Dalka Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne.

Labada Shariif oo wada doonaya hal boos oo ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in labadoodaba ay haysato caqabad uga imaanaysa beesha Caalamka iy Soomaalida Maadaanma labadaan nin ay ka mid yihiin masuuliyiin musuqmaasuq baahsan u geystay hantida iyo Masuuliyada Shacabka Soomaaliyeed.

Sikastaba ha ahaatee maalgelinta Musharaxnimada Prof Jawaari ayaa sii kala fogeynaysa labada Shariif oo muddo Saaxiibo isla soo ahaa, hanti badan oo shacabka Soomaaliyeed lahaana soo wada dhacay, hantidaas oo qaarkood ay shirko ku yihiin labada Shariif, iyagoo hantidaas u dhiibtay Kambaniyo iyo shaqsiyaad ay isla og yihiina labadooda.