Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Bulshada Leelkase " Ugaas Maxamuud Xisaabta Inu Dib U Rogrogo Sow Ra'yiga Ma Aha "

Thursday - August 2, 2012

Galdogob Times- Mogdisho- waa run wax walba maalin bey leeyihiin iyo saacad u eebo qoray oo horana u soo dhaceyn dibna u daaheyn ee ku socda sidi uu ilaahay ugu tala galay ... waxaa maalmahaan beesha tolka Leelkase ka dhex socda warar lagu wardinaayo oo sidi haramcadka camal wax ka guuxayaan iyo xaalado inta badan la isku basbaa-seeynaayo oo si gaara lagu tilmaamayo in ugaas maxamuud si kasta u u rabo wanaag samata-bixin ah iyo inusan ku ceeboobin soo xulista xubnaha baarlamaanka haddana ayey isla falaaqeyn-tooda ku yiraahdeen; saasaanta muuqata iyo sidu wax u wado ugaaska beesha waxuu dhuuxaya meel maran isagoo si gogol-xaar ah indhaha ku haya rag bulshada beesha ka goys-haysato oo u doonaayo inu afka beesha ka galiyo

Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed oo waqti 3-bilood ka soo wareegtay mar u la hadlay shakhsiyaad ku ag xoonsanaa oo ka mida beesha ayuu hadalkiisi ku soo qaaday oo yiri sacabadeyda nadifka iyo kalsoonida aan qabo awgeed waxaan ku sanduleysanahay haddi xulka ay ila gasho shan hayb ilmo Ugaasa dur-duro ayaan ku qaadanaya cid aan uga gabanayana ma jirta, taaso dadki hadalka maqlaayey iyo ruuxi lagu wargaliye-ba intaba lagu diirsaday loona qaatay in Ugaas Maxamuud U daacad ka yahay inu maanta soo xulo rag rag ka tagay, xambaarsan shaar goobeed oo maalintey xuntahay aan tolkood uga tagin hawl kasta oo soo waajahda, waxaa hadalkiisa loo qaatay inu keeni doono Rag geedi socodka la rabo si wada jira ku wada shaqeyn-kara is fahmi-kara xul ku ah aqoon, maskax iyo garaadnimo aan ku liidan oo qeyrkood dibad iyo gudaba wax kasta oo laysula yimaado rag ku quusin-kara, hasa-ahaate odoroska noocaas ahi  waxaa la yiri waxbaa iska badalay oo qorshihi Ugaaska u ku shaxayey amase damacsanaa iyo Ragi hal doorki Zam-Zamka la dhawraayey sida wax u soo bidhaamayaan waa la dhabqiyey weyna dac-faruurantay.

Arinta si kastaba ha ahaate rag dhawra oo ciil la dikrinaaya si hoosana wax ku maqlay iyo ugaaska sidu wax u xushay mana garan-karo sida iyo qaabka ay wax ku ogaadeen amase xogtaas sii-deeddaba waxa ka jira waxay dhinaca khadka talefoonka igu soo direen ashtako ahaan ay ku andacoodeen in Ugaas Maxamuud ay ku habooneyd inu fikirkiisi shalay ee xulka ku waafajiyo falkiisa maanta ee usan ogaansho la'aan arimha iyo xaajada qaarkood indhaha laga ridin, waxayna carbka ku sii dhufteen in Raga talada qaarkeed bixinaya ay ujeedadoodu tahay Ugaaska inu beri yiraahdo ceeb baa la falay iyo waa la qaldamay, isla markaana ay beesha ka dhex abuuraan khilaaf lagu kala sadcaalo iyo saameeyn midnimadooda .. Waxay igu yiraahdeen; Rag sidi maska qalqalooc u socda warafna tuuraya baa talo ku bixinaaya inaan la qaadan hebel iyo hebel oo xubintooda muran la galiyo, hsa- ahaate waxaa nasib daro ah ayey dhaheen in ragaas talada la yimi waxay dhinacooda sharaxaad ku raajixinayaan kuwo ku shuhuroobay damac iyo kheyr la'aan, harac iyo qabow midna ku jiideyn oo hah, iyo caku iyo hiif iyo laf dhuun gashay noqdaan..  waxay intaa ii raaciyeen in Musharaxa iyo kuwa u ololeynaya waa laba isku shaqeysta ee labadaba ugaaska ayey tahay inu iska hubsado ee Odayow waa aniga Maxamade si sheekada cadaalada u gasho si sharafta Ugaaska loo maroorsan Maa nasteexo la isa siiyo intaan sidi geel jiraha geed laga boodin, dabadeed anigoo is iri koleyba sheydaan wax walfinayaa jire bal wax hubso ayaan su'aal kooban weydiiyey Ragaas ila soo xariiray iney wax iga taabtaan xubnaha ugaasku rabo inu badka soo dhigo waxay ii carbaaben Rag u qaadan-waa aan ku anfariiray,oo nafteyda ku iri Reer Ba'ayoow yaa ku leh .. ma rabo xasaasiyaadka jira awgeed inaan magacyadooda halkaan ku xuso, koleyba war jiraba run iyo been waxay yihiinba cakaaro ayey imaan. 

Sida dad badan oo ila soo xariiray la aaminsan-yahay shaxda Ugaaska ee xulka waxay khalkhalka gashay markii mabda'ii u qabay iyo taladi laga siiyey xulka sida laga rabo u iska dhagooleeyey oo dabadeed qoysas reerka ka mida qaarkood u ku yiri so xuusha xubintiina oo kadib qoyski iyagoo dhawr waaxood isu kala saaray u mid waliba kii dantiisa gaara ku jirtay isla soo taagay, waxaa lays ku waasteynaya oo mid kasta yiri anaga qoys ahaan hebel baa reerka u sharaxan oo mid kasta isagoo isla si quman la soo taaganyahay kuwa si kasto loo habeeyo, kursi loo macmalo u ka yahay caga baruur qoraxdu ku qado oo ay rabaan iney kuwaas beelweynta reerka afka ka galiyaan .. Cala ay xaal illa hadda warkaan aan xardhaayo xaaladu faraha kama bixin, weli waxay joogtaa heer la daba-qabteyn-karo, waxayna hawsha iyo furdaamin-teeda ay u taala Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed oo keliya .. waxaana qaba iyo sida aan maleeynaayo Talo hadda la siiyo Ugaas Maxamuud iney tahay too late,  Rabiga aduunyada lahaa suu rabey noqone ee allaha Ugaaska waafajiyo sidi roon .. inkasto bulshada reerka durbaba ka shakisan-tahay waxaa soo socda haddana koleyba uureysataye ha la eego waxay umuli-doonto.