Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

M/weyne C/Raxman Faroole Oo Yiri Amaandarada Ka Jirta Gaalkacyo Waa Shirqol Cadawgu Noo Maleegayo

Thursday - August 2, 2012

Galdogob Times; Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa amaan darada waayahanba ka jirtay Magaalada Galkacayo waxaa uu ku eedeyey kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Somaaliya isagoo sheegay inay Al-shabaab iyo kooxo uu ugu yeeray qaswadayaal ay ku hawlan yihiin sidii amaan darada Koonfurta Somaaliya ay ugu soo rari lahaayeen Puntland wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay inay feejignaadaan lana shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago buu yiri cadawga ugaarsanaaya indheer garadka Puntland.
 
Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay inay hawlgalo lagu xaqiijinaayo amaanka ay ka socdaan Magaalada Galkacayo ee xarunta gobalka Mudug taas oo lagu soo qabqabtay kooxo lagu tuhunsan yahay argagixiso waxaana uu sheegay inuu sii socon doono hawlgalka lagu xaqiijinaayo Amaanka guud ee Magaalada Galkacayo.
 
Madaxweyne Faroole waxaa uu wacad ku maray inay gacan adag ku qaban donaan wuxuu ugu yeeray argagixisada doonaysa inay Puntland Khal-Khalka Siyaasadeeda ka ridaan.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili amaan daro laga soo sheegayo Gobalka Mudug ayna halkaasi ka socdaan hawgalo lagu xaqiijinaayo Amaanka Magaalada Galakacayo,