Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Shariifyadi Oo Isku Baacsanaya Lacag Badan Oo Ay .....

Saturday - August 4, 2012

Galdogob Times- Xigasho-Waagacusub.com- Dagaalka Kuraasta Baarlamaanka ee u dhaxeeya madaxda Dawladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay kadib markii la ogaaday oo ay soo shaac baxday in Madaxweyne Shariif uu doonayo inuu ka dhigo Gudoomiye Baarlamaanka cusub Prof Jawaari.

Kadib markii uu banaanka usoo baxay qorshaha Sheekh Shariif oo ah inuu Prof Jawaari ka dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka si uu ugu wiiqo musharaxnimada Shariif Xasan ayaa la sheegayaa in odoyaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo gacan ka helaya Shariif Xasan inay diideen in Liiska Beelaha Digil iyo Mirifle ee baarlamaanka lagu soo daro Prof Jawaari. 
 
Odoyaasha Dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Madaxweyne Shariif ku eedeeyey inuu faraha kula jiro soo xulitaanka Baarlamaanka Beelaha Soomaaliyeed arintaasoo ay sheegeen inaan sinaba loo aqbali Karin ayna cabashadooda u gudbinayaa wakiilka UN-ka Amb. Mahiga iyo Beesha Caalamka.

Odoyaasha Dhaqanaka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha Prof Jawaari, qoshahaas oo ay sheegeen inay wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda Beelo kale siyaasiyiintaas oo qaba in qof ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle uusan noqon Karin Madaxweynaha Soomaaliya, Prof jawaari ayay odoyaashu ku eedeeyeen inuu yahay shaqsi doonaya inuu caqabad ku noqda hanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo ah inay Hogaanka Dalka qabtaan markii ugu horeysay taariikhda maadaama ay beeshu xaq u leedahay inay hogaanka dalka qabato sida beelaha kale ee Soomaaliyeedba ay u qabtaan. 

Isku soo wada duube waxaa caqabad weyn ay ka hortimid iskudaygii Madaxweyne Shariif ku doonayay inuu Prof Jawaari soo geliyo Baarlamaanka, kana dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka si uu meesha uga saaro Hanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah inuu hogaanka Dalka qabto xiligaan, maadaama uu Shariif Xasan u muuqdo siyaasiga kaliya oo ay isugu xiran yihiin xildhibaanada Beesha uu ka soo jeedo. 

Beesha Digil iyo Mirifle ayaa go'aansatay inaysan sanadkaan u tartamin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyaga oo quud daraynaya inay mar uun hoganka dalka qabtaan. Ilaa iyo hadda hanka Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa la sheegayaa inay tahay caqabadda kaliya ee ku gudban musuqmaasuqii lagu sheegay warbixintii UN Monitoring-ka taasoo aan la ogey go'aanka ay beesha caalamku ka qaadan doonto.