Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Mareykank

Sunday - August 5, 2012

Mareykanka oo la ogaaday inuu ku lug leeyahay dagaalada Somalia (Warbin lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times)

Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC

 
Naga soo wac halkan (Skype)



 




Mareykanka oo la ogaaday inuu ku lug leeyahay dagaalada Somalia (Warbin lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times).

Sida lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times oo ka mid ah
wargeysyada ka soo baxa wadanka Maraykanka dawlada wadankaasi ayaa lagu eedeeyay inay si weyb ugu lug leedahay dagaalada mudada dheer
ka socda wadanka Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganayay qubaro iyo siyaasiin ka faalooda arrimaha amaanka gaar ahaan kan geeska Africa waxaa lagusheegay in marka la eego xaaladaha jira ay muujinayso in dawlada Maraykanka ay si muuqata ugu lug leedahay dagaalada Soomaaliya.

Warbixinta uu qoray wargeyska waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay mar walba taageero dhinaca ciidamada u badan ay siiso dhinacyada u muuqda inay sii hurinayaan colaadaha Soomaaliya.

Dawlada Maraykanku hadda waxay taageero tii hore ka badan siiyaan ciidamada AMISOM oo dawlada KMG ee Soomaaliya ku taageera dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran.

Maj. Gen. David Hogg waxaa uu ka tirsan yahay saraakiisha taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee AFRICOM la yiraahdo waxaa uu ka sheegay xero ku taala duleedka magaalada Freetown ee xarunta wadanka Sierra Leone xilli uu la hadlayay ciidamo tababar loo soo xiray inay indhaha ku hayaan hormarka ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa
AMISOM ka sameeyeen dagaalo ay Shabab la galeen taasoo loo macnaysan karo sida wargeysku leeyahay inuu ku faraxsanyahay dagaalada Soomaaliya ka socda.

Wargesyka warbixintaan qoray ee Los Angeles Times waxaa uu ku waramayaa in Maraykanku uu si buuxda u qalabeeyo ciidamada AMISOM taasoo ka badan taageerada uu siin jiray 2 sano ka hor.

Dawlada Maraykanku waxay sidoo kale taagaaro badan u siisay ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2006,da inkastoo ay ciidamada Ethiopia ay willi Soomaaliya meel ka mid ah ku sugan yihiin walaw ay willi taageero ay maraykanka ka helaan.

Siyaasiin Maraykanka ah ayaa qaba in dawladihii soo Maraykanka tan iyo markii ciidamo si gaar ah u tababaran oo Maraykan ah lagu dilay Muqdisho sanadkii 1993 in dawlada Maraykanka marnaba ka shaqeyn nabadaynta Soomaaliya

Soomaaliya oo aan wax dawlad ah laheyn muddo 20 sano k a badan waxaa mudadaasi ka jiray dagaalo hadba wajiyo kala duwan marayay

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website