Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Shiikh Shariif Oo Isaga Baxay Shirkii Saxiiixayaasha Roadmapka

Sunday - August 5, 2012

Nairobi- Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xaruunta Kenya oo uu Wakhtigan uu ka soconaayo shirkii Saxeexayaasha Roadmapka ayaa la sheegaya in Ka dib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Sheekh Axmed uu ka baxay shirka.
 
Sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha ayaa u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.
Warar hoose oo shirka laga helay ayaa sheegaya in khilaafku uu ka dhashay arrimaha gudiga soo xulitaanka baarlamaanka cusub iyo cida u matalaysa ururka Ahlu Sunna shirka saeexayaasha Roadmapka.
 
Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxweynuhu uu dalbaday in gudiga soo xulitaanka baarlamaanka la kala diro, halka arrintaas ay ka biyo diideen qaar kamid ah xubnaha kale ee saxiixayaasha Roadmapka.
Shirka ayaa si caadi ah uga sii socda hotelka Panari ee magaalada Nairobi, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya oo xubin ka ahaa saxeexayaasha uu ka maqanyahay kadib markii halkaas uu isaga baxay isagoo ka carooday shirkaasi.
Xubnaha kale ee Saxeexayaasha ayaa ku adkaystay in shirku sidiisii uu sii socdo kadib markii uu halkaas isaga baxay madaxweynahu.
Waxaana arrintan ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu buuq ku dhawaaday gacan ka hadal uu ku dhex maray goobtii ay Hillary Clinton kula kulmaysay madaxda Soomaalida, labo masuul oo kala matalaysay ururka Ahlu Sunna, isla markaana isku qabsaday kursigii loo qoondeeyay ururkaas.
Iyadoo lagu jiro maalmahii ugu dambeyay ee Jiritaanka dowlada KMG ayaan la ogeen saameynta uu yeelan karo ka bixitaanka shirka ee Madaxweyne Shariif