Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Oo Ka Jawaabay Beenti La Daadihiyey

Tuesday - August 7, 2012

Galdogob Times- Mogdisho- Shiikha Beesha Leelkase Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed oo ay maanta khadka Taleefonka xiriir is wareysi hadal iskula yeesheen shabakadaan Galdogob Times oo Ugaaska isagoo shir hawleed ku dag-dagsan warkiisa si kooban ugu xusay in wararka dhiilada ee looga buuqayo xulka xildhibaanada iyo beenta baryahaan meelaha qaarkood la yir ha la daadihiyo amase baaqyada cirka loo diraayo ma aha mid xaqa oo lagu muteysto in gafuurka laysugu taago .. Ugaaska ayaa warkiisa intaa si raaciyey oo yiri si afarqaad ah ayaa loo deg degay balse dadka qaarkiis aqoonta aysan ii lahayn awgeed ayaa dhici-karta in gudcurka loo guday, aniga ma ahi Oday dhaqmeed beeshiisa khaaiimaya oo ay ka maqantahay aqoonta xilka igu waajiban, garashada iyo garaad-nimada wax lagu hogaamiyo amase xulkaan maata lagu jaangooynaayo xulashada xubnaha baarlamaanka, waxaan jeclahay wixii danta guud ah oo xaqa inaan wax ku kala guro,isla markaana inti iyo sidi suuragal ah ma sameyn-doono xulasho guracan ee ikhyaarta Walaalayaalow codsi waxaa iga ah iyadoon wax la hubsan yaan la hor dhicin indhahana la iska soo ridin oo markale waxaa baryo naga ah in la daayo hal-hayska reer hebel wax kuma laha magacaabida oo ereyadaas waa waxa maanta guud ahaan ummada somaaliyeed eeday iyo wax aan ka soo dheefnay oo aan ceeb ahayn ma jirto .. dhinaca kalese ayuu yiri Ugaasku haddi sida qaarkood wax loo doonaayo hadde sidee wax u kala soconayaan ee taloow bal adinku sheega .. wxaan rajeynaya ayuu yiri Ugaaska in wixii dhacay-ba dhace oo xulashadaan laga been sheegay waase in aanay warka iyo kutiri-kuteenta halkaas dhaafin ee lagu horjoogsada illa aad liiska aragtaan.

Intaa kadib iyo ugaaska Maxamuud warkii u kaga jawaabay beenti iyo malo awaalkii beenoobay ,waxuu suaal aan weydiiyey igu sheegay in liiskii magacyada xildhibaanada cusub la gudbin-doono sadex maalmood gudahood oo sida u sheegay u noqon-doono mid si rayn-rayn iyo farxad dhamaan beelweynta leelkase ugu bogaado.

dhinaca kale war aan ka xigtay gudiga gaarka u xilsaaran hawsha xildhibaanada la soo gudbinaaya ayaa ii sheegay iney Ugaaska ku wargaliyeen inaan liiska laga qaban-doonin hadeysan ka muuqan hal gabar oo beesha u qoondeysan, waxaana xusid mudan in oday dhaqamedyada ay hadda ku hawlanyihiin halka ay gabar ka keeni-lahaayeen iyo qofka looga saarayo xubnaha shanta qof ee horay u diyaariyeen .. waxaana la sheegaya in reer kasta yiri ma dooneyno inaan magac gabar wax ku qaadano, taaso iminka mixno ku haysa Ugaaska iyo duubabka kalaba sidi ay xaalkaas ula dhaqmi-lahaayen