Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Shan Koob Bun Ah Oo Maalin Kasta La Cabo Waxay Boqlkiiba 50 Hoos U Dhigeysa Fursada Uur Qaadista ..

Sunday - August 5, 2012

Galdogob Times- Dubai- Warbixinno caafimaad oo dhowaan soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in nooca cunto iyo cabbitaan ee ay gabadhu isticmaashaa ay saamayn ku leeyihiin dhalmada gabadha. Khubaro caafimaad oo arrintan baaritaanno xeel dheer ku sameeyey ayaa xaqiijiyey in cuntooyinka dufanka leh iyo bunku ay caqabad ku noqon karaan guul laga gaaro daaweynta dhalmo la’aanta.
 
Oreck Kismodil oo ah bare cilmiga cudurrada haweenka ka dhiga kuliyadda daraasaynta ma dhalaysnimada ee jaamacadda Aarhus ee dalka Danmark, ayaa isaga oo xiriirka dufanka iyo bunku la leeyihiin dhalmada waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Shan koob iyo ka badan oo bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa ay boqolkiiba 50 hoos u dhigtaa fursadaha uu uur qaadista gabadha, iyo weliba fursadaha guul laga gaadho xaaladda bacariminta ama ilmo ku beerista ee lagu magacaabo IVF”
Tijaabo lagu sameeyey illaa 4 kun oo ah dumar ku dhaqan dalka Denmark iyada oo la diiwaan geliyey tirada koobabka bunka ah ee ay mid kastaa maalintii cabto, isla markaana xisaabta lagu darsanayo arrimo ay ka mid yihiin da’da, sigaar cabbista, miisaanka iwm oo qudhoodu saamayn ku leh dhalmada.
In kasta oo aanay khubaradu weli si cilmi ah u sababayn qaabka shan koob oo bun ahi saamayn ugu yeelan karaan dhalmada, haddana tijaabooyinkoodani waxa ay muujinayaan in mar kasta oo bunka iyo dufanku ku bataan jirka ay yaraanayso fursadaha uur qaadista.
George Shefard oo ku xeel dheer cilmiga cuntada iyo cudurrada la xiriira bare-sarena ka ah jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa isna xaqiijiyey in cunista badan ee cuntooyinka dufanku ku badan yahay ay suurtogal tahay in ay yareeyaan fursadaha bacariminta iyo uur qaadista.
Sida uu qabo Dr. Harry Leman oo ka trsan jaamacadda Albert Einstein ee magaalada New York, raadka uu bunku ku leeyahay dhaqso uu uuraysiga gabadhu arrin cusub kuma aha cilmiga. Waxaa hore loo xaqiijiyey in dumarka jecel in ay ilmo qaadaan ay tahay in ay iska yareeyaan cabista bunka, oo la caddeeyey in uu sabab u noqon karo inay kala fogaadaan fursadaha ilmo qaadista gabadhu, arrintan ayaana sabab u ah in Dr. Leman dumarka uu carruurta ku beerayo amar ku siiyo in ay ka taxaddaraan cabista bunka.
Daraasadahan waxaa lagu soo bandhigay shirka 28aad ee jimciyadda Yurub ee dhalmada iyo cilmiga uur-jiifka, shirkaas oo dhowaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkey waxaa laga sheegay in daraasaddani ay weli bilow tahay oo baaritaanka la sii wadi doono.
Tiro koobyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in Lixdii qof ee dunida ku nool ba mid ka mid ah lagu arko nooc ka mid ah noocyada kala duwan ee ma dhalaysnimada. Carruurta ku dhashay nidaamka rixim ku beerista inti ka dambaysay 1978-kii dunida oo dhan waxa ay tiradoodu gaaraysaa illaa shan milyan.Bunka