Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Saleban Xaglatoosiye Oo Galab Carrow Ku Yimid Hargeysa

Wednesday - August 8, 2012

Galdogob Times- Xigasho Geska- Hoggaamiyihii Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee SSC Mr. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira odayaal, siyaasiyiin iyo wax garad kale oo u dhashay deegaanka Buhodle, ayaa xalay niskii dambe soo gaaray magaalada Hargeysa, ka dib markii ay isla shalay ka soo galab caraabeen magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waxaana lagu dejiyay hoteelka Ambassador oo loo sii diyaariyay.
 
Mr. Xaglatoosiye oo Isniintii ka soo ambobaxay magaalada Buhodle, wuxuu soo maray magaalada Caynabo ee gobalka Saraar oo ay wada hadal ku yeesheen wasiiro Somaliland ah, islamarkaana ay bulshada gobalkaasi si diiran ugu soo dhawaysay. Hadal uu ka jeediyay munaasibad shalay lagu qabtay Caynabo oo loogu tallo galay wada hadalka Somaliland iyo ergada Reer Buhodle, wuxuu Saleban-Xaglatoosiye ku sheegay inuu ku faraxsanyahay dareenka lagu qaabilay, “ Waxaanu u nimid nabad, waxaanu hore u wada hadalnay Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanan isku afgaranay in nabad laga wada shaqeeyo, waxaanu u nimid wada hadlakaas dhammaystirkiisii, nabad wax ka wanaagsani ma jiraan, nabad la’aani waa nolol la’aan, waxa kale oo aynu ognahay in nabadu u baahantahay dhiirasho iyo in la is garabsado, waxaanu diyaar u nahay in aanu xal nabadeed ku doono dhibaatooyinka jira, xabad dambena aanay dhicin, qof dambena aanu ku dhiman deegaamadaas.” Ayuu yiri Xaglatoosiye.
 
Isagoo u jawaab celinaya dadka isweydiinaya sababta xilligan keentay inuu wada hadal la bilaabo Somaliland, wuxuu yiri “Waxa laga yaabaa in dadka qaar isweydiiyaan maxaa hadda keenay, isbedelkaa keenay mar haddii Faysal la hadlayo Walaweyntuu sheegayo wax anigana iska kay hortaagaya inaan la hadlo caynabo iyo Somaliland ma jiro.”
Ugu dambayn isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waanu wada hadlaynaa, Inshaalah waanu is afgaranaynaa, waxaanan rajaynaynaa inaanu nabad buuxda celino, in nabadii iyo is dhexmarkii iyo is dhexgalkii dadkan ehelka ah ee aan kala maarmi Karin la soo celiyo.”

Geesta kale, waxa la filayaa inay Saleban-Xaglatoosiye iyo ergada uu horkacayaa maanta la kulmaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana la filayaa inay u gudbiyaan qodobo ay soo diyaarsadeen si uu heshiiska nabadeed u hirgalo. Si rasmi ah looma garanayo qodobadaas waxase la sheegayaa inay ugu muhiimsanyihiin laba qodob oo middi dhigayo in Buhodle laga dulqaado ciidamada qaranka iyo qodobka labaad oo ah in la sii daayo maxaabiistii reer Buhodle ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay ee dhulkaas ka dhacay ee ku jira xabsiyada Somaliland.