Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Ugaas Maxamuud Oo Xulki Xildhibaanada Kula Kufay Shan Magac Oo Horay Loo Yiqiin

Friday - August 10, 2012

Galdogob Times- Mogadisho: War ay shabakadaan ka xog-satay ilo muhim oo loo qaateen ah kuna xiran Ugaaska beesha ayaa noo xqiijiyey in isku shaandheynti beryahaan dambe Ugaasku dhawr jeer tusbaxa ugu rog rogay kala wareejinta Ragi xildhibaan-doonka u markaan ku baxay looyarkii tilmaanaa digtoor Xoosh Jibriil .. Digtoorka oo sida la sheegay todobaadki hore Ugaasku ku wargaliyey in darajo xildhibaan loo qaatay hasa ahaate sida hadda muuqata lagu madadaaliyey ayaa hadana la garaneyn sababta keentay isbadalka u la yimi shiikha beesha ee u ku dacareeyey liiski la yiri waad ku qorantahay. 

Ugaaska oo muddo dheer liiskaan u hadda soo saaray la humbaal-yeynaayey waxuu ugu dambeyn soo qaatay shan magac oo aysan ku jirin Gabar , kuwaaso ay ka mid yihiin C/qaadir Cabdi Xaash ( Gaabane), Cabdirisaaq Axmed Shoole,Ciise Guraase, Cali Ameerika iyo Yaasin Shiikh Muuse ..Sheekooyin iyo wax la sheego horay bey u soo dhamaadeen hasa ahaate Su'aasha ah Ragaan xilkaan ma qaadi-karan iyo waa u qalmaan iyo sida ay u saameeyn-karto midnimadi muruq iyo maal ee beesha isugu xirnaan jirtay waa hawl u taala bulshada Leelkase, koleyba wixii aragtiidood- faallo ah dib ayaa shabakadaan idin ku soo gudbin-doonta, isla markaa waxaan su'aalo wax ka weydiin-doonaa Ugaaska Beesha Ugaas Maxamuud, waase haddu naga yeelee .. weydintaas oo la xariirta sida iyo qaabka u ku xushay ragaas iyo qancin laga doonaayo Ugaaska inu beeshiisa ka gado ragaan xilka u magacawday. 

Dhinaca kale warar iyagana xog-ogaala ayaa tilmaamaya in Dawladihi daneynaayey danaha somaaliya ay iminka Nairobi u fadhiyaan shir deg deg ah oo looga arinsanaayo fasahaado la sheegay iney ka dhalatay xulista xildhibaanada ee ay ku kaceen odayaashi dhaqanka qaarkood ee beelaha somaaliyeed.