Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Amaanka Dartiis Farmaajo Oo AMISOM Uga Digtay In Aanu Dib Dambe U Adeegsan Dadweyne Isaga Taagersan

Saturday - August 11, 2012

Galdogob Times- Raiisal wasaarihi hore ee somaaliya kana mida musharaxiinta isku soo taagay xilka madaxtinimada Somaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa shalay galab looga yeeray xarunta xalane oo talis u ah ciidamada AMISOM .. sida ay sheegayaan wararka kulanka oo ahaa mid looga hadlaayey amaanka ayaa waxaa uu dhex maray mr. farmaajo iyo ku xigeenka ergeyga midawga afrika mr.Wafula iyo saraakiil ka tirsan amisom,iyado kulanka u ahaa mid muddo badan qaatay oo ay albaabadau u xirnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay shaqaaqadi shalay ka dhacday mogdisho markii banaan-baxyaal taagersan farmaajo lagu rasaaseyey barxada taalada sayidka, iyadoo shaqaaqadaasi ay ku dhinteen labo ruux oo mid u ahaa askari ka tirsan dawlada, halka laba kalana ku dhaawacmeen.

ilo lagu kalsoonyahay ayaa tilmaameysa in saraakiisha AMISOM ay ku wargaliyeen Farmaajo in aanu adeegsan mar kale dadweyne isaga taageersan oo magaalada isa soo bax ka dhiga, si aanay amniga magalada isa soo bax ka dhiga, si aanay amniga magaalada khal-khal u galin, isla markaana wixii shalay dhacay oo kale aanay markale iman. 

Sido kale waxaa kulanka farmaajo lala yeeshay laga codsaday in arimaha socda gaar ahaan dhinaca amaanka aanay sameyn ku yeelan ololihiisa doorashada,  waxaana si gaara looga hadlay sidi musharaxiinta looga ilaalin-lahaa ciidamada kala duwan ee dawlada oo aanay musharaxiinta isticmaalin .. Saraakiisha dawlada ayaa la faray iney amaanka adkeeyaan oo aan dano siyaasadeed loo isticmaalin ciidamada