Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Calemo Saarki Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cilmi Suldaan

Monday - August 13, 2012

Faallo: Socdaalka Ugaaska ee Boorama + Dareenka Xuluumada Iyo + Maqnaanshaha Masuuliinta Gobolka Iyo Fursada Xisbiga Udub Ka Heshay.
Magaalada Boorama, ayaa shalay si an hore loo arag loo gusoo dhaweeyey Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, ugaaskaasoo loo aqoonsanyahay inuu yahay Ugaaska beelaha Gedebuursi mar haddii soo dhaweyntiisa ay ka qayqaateen dadweynaha, siyaasiiinta iyo aqoonyahanno ka kala socday qaybaha kala duwan ee beelaha G/awdal.
Soo dhaweynta Ugaas C/rashiid oo indhawaaleba laa hadalhayey gud ahaanba gobolka Awdal, Soomaaliland iyo dalalka deriskaba ah ayaa aakhirataankii si fiican u dhamaatay, isla markaana soo dhaweyntiisa ay ka qaybqaateen kumaankum qof, boqolaal gaadiid ah iyo martisharaf ka kala socotay Soomaaliland oo dhan, kuwaasoo isugu jiray siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah hoggaamiye dhaqameedyada caanka ah ee dalka.

Abaabulka iyo sifaha lagusoo dhaweeyey ugaaska, ayaa dhinaca kale soo afjartay xiisad siyaasadeed iyo mid qabyaaladeed oo tan iyo bilowgii bishii ramadaan ka dhex taagnayd qaybaha kala duwan ee dadweynaha gobolka, xiisaddaasi oo looga cabsi qabay inay reer Awdal isku farasaaraan soo dhaweynta, aqoonsiga iyo imaatinka ugaaska, taasoo laga garan karo hadalada xumaanta, qabyaaladda iyo tafaraaruqu ka muuqday ee ay ku hadlayeen qaar ka mid hogaamiye dhaqameedyada gobolka.

Sidoo kale, ayaa hadalada dadka diidan Ugaaska waxa laga dhadhasanayey faragelin kala duwan oo ka imanaysay dhinacyada dawladda, masuulyiin dawladeed, siyaasiiin iyo saraakiil ciidanba, kuwaasoo la aaminsanyahay inay sii xoojiyeen khilaafka ka taagnaa arrimaha Ugaaska tallaabooyinka lagu tuhunssanyahay inay xukuumadda soomaaliland carqalad ku haysay.

Socdaalka Ugaaska ayaa waxa xafladdii soo daweynta ka caddeeyey culimaa udiinka Boorama, oo dhexdheaadin kaga jiray arrintaasi. Sheekhal beledka Awdal Sh. C/laahi Sh. Cali Jawhar oo fagaarihii lagusoo dhaweeyey ugaaska ka hadlay, ayaa si ba’an wafdigii xukuumadda ee arrintaa u yimi ugu eedeeyey, isla markaana ku tilmaamay kuwa mijoxaabinayey waan-waantii ay soo afjareen.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaalaha ay Boorama kaga dhawaaqeen todoba xubnood ee ka socday xukuumaddu ahaayeen qodobbo khiyaamo ku jirtay, isla markaana an metelin danaha reer Awdal

Wafdiga xukuumaddu intaa kuma ekaanine, waxa Hargeysa shalay lagasoo diray saraakiil sarsare oo ka tirsan dhinaca amniga, kuwaasoo siyaalo kala duwan u fiirinayey dadkii ku diyaarsanaa garoonka ee soo dhaweynayey ugaaska.

Taliyaha ciidanka Birmadka (booliska gurmadka), ayaa isagu si guud dadweynaha ugu sheegay in la ilaaliyo amniga, halka saraakiil kalena dadka kula dhex wareegeyeen iyaga oo u fiirsanaya in hadalada laga soo jeedinayo fargaaruhu noqdaan kuwa ku qotoma talooyinkii laga biyo diiday ee wafdigii xukuumaddu ku dhawaaqay markii ay ka siia baxayeen Boorama.

Imaatinka Ugaas C/rashiid ku yimi Boorama, ayaan sidoo kale waxan kasoo qaybgelin gebi ahaanba xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbul xaakimka Kulmiye cid ka socotay, halka masuulyiintii ugu miisaanka badnayd xisbiga Mucaaradka ah ee UDUbna ay si buuxda ugasoo qaybgaleen, taasoo muujinaysa sida ay xukuumadda iyo xisbul xaakimkii hore ugu kala duwan yihiin qaddarinta Ugaaska Gadabuursi.

Inkastoo aanaan halkan kusoo koobi khudbadihii, suugaantii iyo hadaladii lagusoo dhaweynayey Ugaaska, waxanse tilmaami karaa qiimaha iyo qaddarinta marti sharaftii ka kala timi daafaha dalku kusoo dhaweeyeen Ugaaska, waxana xusid mudan sida qaybihii, shakhsiyaadkii iyo siyaasiyiintii halkaa uga hadashay dadweynaha gobolku uga mideysnaayeen ugaasnimada C/rashiid Ugaas Doodi.

Inkastoo beelaha reer awdal ku kala badnaayeen soo dhaweynta ugaaska, isla markaana beelaha uu kasoo jeedo ugaasku ee Makaahiil kaalinta hore kaga jireen soo dhaweyntiisa, iyagoon haba yaraatee u kala hadhin, meelna iska dhigay khilaafyo soo jireen ahaa iyo hadday jiraan kuwa cusubi, halka beelaha kale ee gobolkana ay meteleyeen aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kaleba.

Haddaan hoos ugu daadegno waxyaalaha dhacay 24 saacadood ka hor intii anu ugaasku kasoo tallaain xadka Itoobiya, ayaa la sheegi karaa inay ahaayeen tallaabooyin khatar gelin kari lahaa xasiloonida magaalada, kuwaasoo ay ugu horeeyeen amarro ka imanyey xukuumadda sare oo la farayey Booliska iyo maamulka magaaladu inay xoog kaga ururiyaan dadweynaha iyo gaadiidka lagu dhejiyey calaamadaha soo dhaweynta Ugaaska, sawiradiisa, codbaahiyayaasha lagu xidhay.

waxa kale oo la xidhidhay shakhsiyaad la sheegay inay ka hor yimaaddeen amarro iyo go’aanno kasoo baxayhoggaamiye dhaqameedyadooda, laguna farayey inaysan ka qaybqaadan soo dhaweynta Ugaaska.

Waxa kale oo la sheegeyaa in dad kale loo xidhxihay arrimo la xidhiidha dhinaca siyaasadda, laguna eedeeyey inay calaamado ka horimanaya qarannimada dalka la beegsadeen socdaalka Ugaaska ee Boorama si loogu sawiro dacaayado horeba ay ugaaska uga fidiyeen siyaasiyiin -beeleed ka tirsan xukuumadda, kanasoo horjeeday socdaalkiisa.

Waxa intaa dheerayd taladii wafdiga xukuumaddu xukuumaddu kusoo afjaray waan-waantoodii khaatumaysatay, taasoo ay ku sheegeen inaan ugaaska lagusoo dhaweyn karin goob fagaare ah, ugaas beeleedna loogu yeedho, lana qaadan karin calaamadihiisa, sawiradiisa iyo wax kastoo muujinaya soo dhaweyntiisa.

Hase yeeshee ugaaska oo ka badbaaday shirqooladaasi, ayaa lagusoo dhaweeyey calanka Soomaaliland, kolanyadiisana ay la socdeen qaar ka mid ah siyaasiyiintii, mujaahidintii iyo masuulyiintii ee dalka Soomaaliland.

Inkastoo anay yarayn tallaabooyinka lagu carqaldaynayey socdaalka Ugaaska laguna tuhunsanyahay xukuumadda iyo siyaasiyiin sarsare oo kasoo jeeda gobolka awdal, balse dhammaan carqaladahaasi waxa ka awood batay rabitaanka shacbiga iyo soo dhaweynta Ugaaska.

Wax kastoo ka dhan ah socdaalka ugaaska ee soomaaliland ee dhacay shalay iyo maalmihii ka horeeyeyna ma noqoqn kuwa guuleystay, balse waxay noqdeen kuwa fashilmay,  isla markaana raadadkooda lasii hadalhayn doono maalmaha, bilaha iyo sannadaha soo socda.

Imaantinka Ugaaska Beelaha Samaroon, ayaa waxa la odhan karaa inay ahayd mid fursad wanaagsan u noqotay siyaasiyiinta xisbiga UDUB OO REER AWDAL IYO REER Booramaba tusay niyad wanaag iyo walaanimo, halka maqnaanshaha xukuumaddana loo dareemay sifo an laga dheehan karin dareenka siyaasiyiinta UDUB ka muujiyeen madashii shalay, kaas oo la filayo inuu cadhaysiisay xukuumadda.