Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Walaalaha ilma Ismacil Samantar Oo Hees Cusu Loogu Quus Dhabay

Monday - August 13, 2012

Muqdisho-Kooxda fanaaniinta ah ee la yidhaahdo Muqdisho Band oo ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray hees cusub oo ay ugu quus gooyeen labada aqoonyahan ee walaalaha ah ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil Samatar.
 
Heestaas oo loo bixiyay Ismaqiiq iyo Masayr, ayaa waxa ay kooxdu ku ladhay miyuusig iyo cod wada jir ah, waxaana la sheegay inay ka turjumayso dareenka bulshada reer Muqdisho oo u arka labada aqoonyahan inay markasta ka xunyihiin horumar iyo nabad ka aslaaxda Muqdisho iyo inay rajo beel la doonayaan dadka reer Banaadir ee dalkaas Somaliya. Ereyada heestan waxa ka mid ah
Marinkaad Ku Socotiyo
Hadduu Maanku Kaa Lumo
Maskaxdiyo aqoontiyo
Garashada Muhiimkaa
Rabi Kaa Malaasoo
Isha Mooyaheediyo
Maqalkiyo Aragtida
Dabool Kaaga Madhanyahay
Ilayn Maydhaxbaad Garas
Ka Maroojisaayoo
Tallo Kama Macaashtide
Murankan ku daashaday
Haddaan Maaro loo helin
Iska Daa maq-maqiiqiyo
Masayrkiyo Hinaasaha
Laga saarin maankoo
Ilayn Muusanowgiyo
Murugada xanuunka leh
Marna kama bogsootide.
Heestan oo laga dhigay muuqaal Fiidyoow ah, waxa lagu duubay labada sawir ee Axmed iyo Cabdi iyo weliba muuqaal sawir kartoon ah oo uu dhawaan farshaxamiistaha caanka ah ee Aamin Caamir ka sameeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Labada aqoonyahan ee Ilma Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse si adag uga soo horjeeda madaxbanaanideeda, ayaa waxa ay hore ugu faani jireen inay aragtidooda ka dhanka ah Somaliland taageero kaga heleen reer Muqdisho, laakiin heestan ayaa ah mid ay bulshada Muqdisho ugu quus goysay. Waxaanay heestu ku eedaynaysaa inay markasta la soo taaganyihiin doodo iyo aragti madhalays ah. Heestan oo maalmihii u dambeeyay si weyn u soo caan baxday ayaa lagu baahiyay baraha Internetka ee ay bulshada Muqdisho gadhwadeenka ka tahay.Fanaaniinta Muqdisho Oo Hees Cusub Ugu Quus Gooyay Walaalaha Ilma Ismaciil Samatar
Posted by Mohamed on Aug 12th, 2012 // 2 Comments
 
Muqdisho(Geeska)-Kooxda fanaaniinta ah ee la yidhaahdo Muqdisho Band oo ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray hees cusub oo ay ugu quus gooyeen labada aqoonyahan ee walaalaha ah ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil Samatar.
 
Heestaas oo loo bixiyay Ismaqiiq iyo Masayr, ayaa waxa ay kooxdu ku ladhay miyuusig iyo cod wada jir ah, waxaana la sheegay inay ka turjumayso dareenka bulshada reer Muqdisho oo u arka labada aqoonyahan inay markasta ka xunyihiin horumar iyo nabad ka aslaaxda Muqdisho iyo inay rajo beel la doonayaan dadka reer Banaadir ee dalkaas Somaliya. Ereyada heestan waxa ka mid ah
Marinkaad Ku Socotiyo
Hadduu Maanku Kaa Lumo
Maskaxdiyo aqoontiyo
Garashada Muhiimkaa
Rabi Kaa Malaasoo
Isha Mooyaheediyo
Maqalkiyo Aragtida
Dabool Kaaga Madhanyahay
Ilayn Maydhaxbaad Garas
Ka Maroojisaayoo
Tallo Kama Macaashtide
Murankan ku daashaday
Haddaan Maaro loo helin
Iska Daa maq-maqiiqiyo
Masayrkiyo Hinaasaha
Laga saarin maankoo
Ilayn Muusanowgiyo
Murugada xanuunka leh
Marna kama bogsootide.
Heestan oo laga dhigay muuqaal Fiidyoow ah, waxa lagu duubay labada sawir ee Axmed iyo Cabdi iyo weliba muuqaal sawir kartoon ah oo uu dhawaan farshaxamiistaha caanka ah ee Aamin Caamir ka sameeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Labada aqoonyahan ee Ilma Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse si adag uga soo horjeeda madaxbanaanideeda, ayaa waxa ay hore ugu faani jireen inay aragtidooda ka dhanka ah Somaliland taageero kaga heleen reer Muqdisho, laakiin heestan ayaa ah mid ay bulshada Muqdisho ugu quus goysay. Waxaanay heestu ku eedaynaysaa inay markasta la soo taaganyihiin doodo iyo aragti madhalays ah. Heestan oo maalmihii u dambeeyay si weyn u soo caan baxday ayaa lagu baahiyay baraha Internetka ee ay bulshada Muqdisho gadhwadeenka ka tahay.