Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

Wednesday - August 15, 2012

 Galdogob Times-Mogdisho- Xigasho Somaliweyn: Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqollaal dadweyne ah oo sita calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarrama kuwaas oo soo dhaweynayay madaxweynaha, sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan sidoo kale  Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday boqollaal dad ah oo hareeraha waddada isugu soo baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayeen.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray  guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.

“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.

Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu.

“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu  wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.