Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Gudiga Farsamada Ee Soo Xulista Baarlamaanka

Friday - August 17, 2012

Mogdisho-Galdogob Times- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka cusub xili ay dowlada hada jirtaa ay gabaabsi tahay, waxayna marysaa xill xasaasi oo dalku uusan dowladd dhexe la hayn, balse uu leeyahay Maamul goboleedyo aan sidaas u karti badneyn.

Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa ku wareersan sidii ay u kala saari lahaayeen liiska loo soo gudbiyey taasina waxaa ka sii daran iyaga oo aan haysan wakhti badan oo ay wax ku kala saaraan.
Guddiga ayaa horay waxaa loogu gudbiyey xubno gaaraaya 203-xubnood, laakiin intooda badan dib ayaa loo soo celiyey, waxaana la sheegay in ay ku buuxin waayeen shuruudahii looga baahnaa.

Qaabka ay wax u kala saaraayaan guddiga farsamada waa saddex qaab oo ay kamid tahay in qofka kamid noqonaaya Baarlamaanka cusub uusan horay usoo gelin denbiyo dagaal, musuqmaasuq iyo inusan ahaan jirin qaswale
 
Tusaale ahaan dadka dib loo soo celiyey waxaa kamid ah C/raxaan Ibbi waxaana lagu haystaa eedayn musuq maasuqa oo uu dhowaan usoo jeediyey bangiga adduunka iyo arrintii iibinta qayb ka mid ah badda Soomaaliya ee sanadkii 2009-kii, xilligii uu ahaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Sidoo kale dadka denbiyada dagaal ku eedaysan ee lasoo celiyey waxaa kamid ah Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa ururkii RRA ee Bay iyo Bakool iyo Maxamed Qanyare Afrax oo isagana kamid ahaa qab qablayaahsii dagaalka Muqdisho. iyo Axmed Ducaale Xaaf oo isna eedeynta soo galay.

Qolada saddexaad ee Baarlamaanka cusub laga soo reebay waxaa kamid ah hoggaamiyeyaashii maxaakiinta islaamka iyo dadkii ka qayb qaatay dagaalada dhanka diinta ee sanooyinkii dambe socday, waxaana ka mid ah dadkaasi Sheekh Cabdul Qaadir Cali Cumar oo ahaan jiray wasiirki arimaha gudaha xiligi dawladi Farmaajo iyo weliba Sheekh Maxamed Macallin.

Waxaa xusid muddan in wakhtigii loogu talagalay doorashada oo ah 20-ka bishaan ay ka harsan tahay muddo saddex maalmood ah, waxaana dhici karta in dib loo dhigo doorashada muddo aan la cayimin.

Sidoo kale musharaxiinta faraha badan ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa mari doona nidaam la mid ah kan ay iminka mareen xubnaha Baarlamanaka, waxaan dib loo soo celin doonaa cid kasta oo buuxin wayda shuruudaha saddexda ah.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey arrintaan waxayna sheegeen in ay tahay mid horseedaysa in la helo Xildhibaano nadiif ah iyo weliba hoggaan aan denbi soo gelin.