Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciida Barakeysan Awgeed Bahda Galdogob Times Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Direysa Shacbiga Somaliyeed

Saturday - August 18, 2012

Bahada Galdogob Times waxay hambalyo iyo bogaadin u direysa shacabiga Somaaliyeed meel ksata oo ay joogaan guddo iyo dibad iyo guud ahaan shucuubta islaamka.

Munaasabada ciida barakeysan, ee ciid  fadriga awgeed bahada shabakada iyagoo shacbiga la wadaagaya farxada ciida , waxaan aan ilaahay ka bareynaa inu inaga yeelo inta u ka aqbalo cibaadadi iyo soonkii aynu soo gudanay biishi barakeysneyd ee ramadaan oo uu naarta innaga xoreeyo

Bahda wargeyskaan waxay shacbiga somaali u rajeyneysaa iney sanadka sanadkiisa ku gaaraan Bash- Bash, Barwaaqo, Nabadgalyo iyo Qaranimo lagu Reeysto.

Bahada Shabakadaan waxay dhambaalkaan ugu duceyneysa inta dhibaateysan ee caafimaad daro awgeed aan awoodi-kareyn in ay farxada ina la ciidaan, waxaana illaahay uga baryeyna inu ka dulqaado xanuunka caafimaad taamana ugu badalo.

Waxaan markale uga faaiideysaneynaa munaasabadaan ciida barakeysan shacbiga soomaali ugu baaqeynaa iney dhamaan isa-saamaxaan una midoobaan adkeynta nabadgalyada iyo dhismaha qaranka Somaaliyeed .. Saamax-naakum